crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sida bisha oo aan la arag looga soomayo Caalamka! | HimiloNetwork

Sida bisha oo aan la arag looga soomayo Caalamka!

MUQDISHO (HN) — Malaayiin Muslimiin ah oo dunida ayaa u dabaal-degaya bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan – oo in kasta oo aan lagu arkin muqaallada dhaweysada loo aqoonsaday maanta oo Talaado ah maalinta koowaad ee bisha.

“Bisha Barakaysan ee Ramadaan laguma arag muuq-dhaweeyaha Sucuudiga ee Hawtah Al-Ekhbariya,” ayaa lagu soo qoray tweeter-ka. Guddiga Dar Al-Ifta ee dalka Masar ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale sheegay inaysan arag bisha, sidaas darteedna ay maalinta Talaadada ah u tahay maalin Soonqaad.

Dalalka Qadar, UAE, Ciraaq iyo kuwa kale ayaan sidoo kale laga arag bisha, laakiin maanta ay u tahay bil Soonqaad bilowgeeda.

Marka loo eego Fiqh Council of North America, Muslimiinta Maraykanka waxay bilaabi doonan bisha April 13 oo ah dabcan ah maanta oo Talaado ah.

Nigeria, Suldanka Sokoto, Sa’ad Abubakar ayaa kula taliyay Muslimiinta inay raadiyaan bisha maalintii Isniinta. Balse laguma guuleysan.

Somaaliya waxaa maanta ay u tahay maalinta kowaad ee Soonqaad dalka oo dhan marka laga reebo dowlad-goboleedka Galmudug oo magaalooyin badan sida Cadaado, Dhusamareb, Guricel iyo Galkacyo aan laga soomaneyn.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!