crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shabakadda Himilo oo Shacabka Somaaliyeed kula dabaal-degaysa bilashada Ramadaan. | HimiloNetwork

Shabakadda Himilo oo Shacabka Somaaliyeed kula dabaal-degaysa bilashada Ramadaan.

MUQDISHO (HN) — Shabakadda HIMILO oo ah warbaahin madax-bannaan oo aan faa’iido doon ahayn taas oo lixdii sannadood ee lasoo dhaafay adeegyo warbaahineed u sameysa bulshada Somaaliyeed, waxay umadda Muslimka ah ugu bishaaraynaysaa bilashada Bisha Soonqaad.

Waxaana ay Ilaahay uga rajaynaysaa inuu acmaashooda aqbalo; farxad iyo caafimaadna ku dhameystaan maalmaha cibaadada iyo Alla-bariga.

Qoyska iyo dhammaanba bahda shaqada ee Shabakadda Himilo oo uu ugu horreeyo mulkiilaha Himilonetwork.com, Mudane Zakariya Xasan Maxamed – Zaki Hiraale, waxay mar labaad idin leeyihiin:

Kullu-caam Wa-antum Bikheyr.

Xafiiska Shabakadda Himilo,

MUQDISHO – Somaaliya.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!