crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Harada Jaceylka ee Dubai. | HimiloNetwork

Harada Jaceylka ee Dubai.

MUQDISHO (HN) — Harada Jaceylka, oo qaabka wadnaha oo kale oo sameeyey, waxay dhacdaa saxaraha u dhow Dubai. Waana dabcan, bartilmaameedka dalxiiseed oo Bariga Dhexe ay lammaane badan usoo aadaan.

Muqaallada halaasiga ah oo ay ku caan tahay Dubai sida Burj Khalifa ma ahan kuwa la koobi karo. Laakiin, hadda waxaa kale oo jira muuqaallo ildoogsi iyo dalxiisba leh oo aad ugu dhex tagi karto saxaraheeda. Harada Jaceylkana waa mid kamid ah. Waxay ku taalla meel u dhow Al Qudra Oasis. Waxayna ku fadhidaa ballac dhan 550,000 oo mitir wareeg ah.

Dusha sare marka laga sawirana waxay muujinaysaa qurux dabiici ah oo lagu dheehay qaab-dhismeedkeeda.

Adduun adag ayaa uga baxay suuraglinta Harada jaceylka dowladda Imaaraadka. Waxaana kamid ah beerista in ka badan 15,000 oo geedo oo loo ekeysiiyay sawirka wadnaha iyo dabcan ubaxyo kala ceyn ah. Waxaa kale oo xusid mudan in xattaa ereyga ‘love’ isagana loo qaabeeyey si farshaxamaysan.

Muqaalkeeda wuxu soo shaac baxay sannadkii 2018-ka markii boqorka UAE, Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, uu bartiisa Instagram-ka soo dhigay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!