MUQDISHO (HN) — Muuqaal laga sii daayay telefishan Japanees ah ayaa ka warramaya sheekada lammaane is qaba muddo laba sanno ah isla markaana kala qeybsada masruufka iyo marashada reerka.
39 jirta lagu magacaabo Aiko iyo seygeeda Kazuki oo 42 jir ah markii ugu horreysay ku kulmay goob lagu ciyaaro game-ka, waxay yeesheen haasaawe qurxoon iyaga oo si dhow isaga dareemay dabeecadaha ay ku kala duwanaayeen. Laakiin sidaas oo ay tahay, waxay haddana ku heshiiyeen inay isla socdaan ilaa ay isku guursadeen dhaqanka ah in qof walba oo u madax bannaanaado masruufka uu guriga ku cunayo. Si kale, marka loo dhigo, qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu gaarkiisa u isticmaalo wixii uu la yimaado guriga. Sheekada noloshooda oo laba gu’ jirsanaysa waxay soo shaac baxday dhawaan markii uu baahiyay telefishanka.
Waxayna ka warameen sida ay u eg tahay nolosha ka dhaxaysa.
Aiko iyo Kazuki waxay wadaagaan wax yar. xilliyada fasaxyada oo qura ay wadajir wax u wada cunaan halkii inta kale ay kala gaar u kala cunaan madaama ay kala doorbidaan dhadhanka iyo nuuca cunnooyinka. Waxay wada jiifsadaan qol kaliya, laakiin waxay kala leeyihiin laba sariirood. Waxay kala qeybsadaan kirada, korontada iyo biyaha guriga. Waana mid ay ka helaan dhaqan ahaan.
Xattaa labada katiin ee nikaaxa waxay gaarkooda uga kala xusheen dooq ahaan.
Kazuki wuxuu waqti badan geliyaa shaqada. Howsha guri hagaajintana waxaa inta badan qabata Aiko laakiin kuma qabato bilaash. Wuxuu lacag ahaan ugu gudaa saacadaha ay ka dhex shaqeyso guriga oo dhan 1,500 yen saacaddiiba. Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen inay waqti cayiman kala daawadaan telefishanka.
Badi dadkii daawaday qisada sheekadooda waxaa ku adkaatay inay suuraystaan sida laba lammaane ay ugu wada noolaan kaaran habguur qaabkan oo kale. Waxaana ay kaliya ku micneeyeen wada-joog ka dhaxeeya laba qof oo saaxiibo ah.
“Waa lagu caajisaa; sidaan miyaa lagu heli karaa farxadda guurka?!’ ayuu soo qoray qof daawaday.
You must log in to post a comment.