HomeLa-yaabkaCarwo si yaab leh Ey ugu ekeysiisay Yey.

Carwo si yaab leh Ey ugu ekeysiisay Yey.

MUQDISHO (HN) —Carwo-duurjoog oo ku taalla Xianing, dalka Shiinaha ayaa baraha bulshada ka dhalisay dood kaddib markii la ogaaday inay eyga Rottweiler u ekeysiisay xayawaanka Yeyda – Uuleyda si loogu soo dalxiis tago.

Qof kamid ah daawadayaasha oo la yiraahdo Mr. Xu, ayaa la maqlayaa isaga oo ku dhawaaqaya: “Hellow Yey miyaa tahay xaiiqdii?” – si muuqatana marka muuqaal ahaan la eego aan aad u shabihi karin. Xu ayaa markaas kaddib saxaafadda u sheegay inuu weydiiyay qolyaha ka mas’uul ah carwada ficilka ay sameynayaan – waxayna u sheegeen in madaama uu goor dhow ka geeriyooday yeygoodii da’da ahaa ay go’aansadeen in si ku meelgaar ah ay ugu ekeysiiyaan eyga.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments