MUQDISHO (HN) —Carwo-duurjoog oo ku taalla Xianing, dalka Shiinaha ayaa baraha bulshada ka dhalisay dood kaddib markii la ogaaday inay eyga Rottweiler u ekeysiisay xayawaanka Yeyda – Uuleyda si loogu soo dalxiis tago.
Qof kamid ah daawadayaasha oo la yiraahdo Mr. Xu, ayaa la maqlayaa isaga oo ku dhawaaqaya: “Hellow Yey miyaa tahay xaiiqdii?” – si muuqatana marka muuqaal ahaan la eego aan aad u shabihi karin. Xu ayaa markaas kaddib saxaafadda u sheegay inuu weydiiyay qolyaha ka mas’uul ah carwada ficilka ay sameynayaan – waxayna u sheegeen in madaama uu goor dhow ka geeriyooday yeygoodii da’da ahaa ay go’aansadeen in si ku meelgaar ah ay ugu ekeysiiyaan eyga.
You must log in to post a comment.