crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Oxford oo bisha Ramadaan maalinle cunnooyin u siinaya kuwa baahan! | HimiloNetwork

Muslimiinta Oxford oo bisha Ramadaan maalinle cunnooyin u siinaya kuwa baahan!

MUQDISHO (HN) — Sadaqada iyo kaalmada waxay diinta Islaamku dhigtay meel sarraysa, marka la joogo bisha Ramadaan oo sannadkan ay usii dheer tahay xayiraadda saaran meelo badan taas oo qof walba aan u sahleyn inuu helo waxa uu ku samata-baxo, in hor Ilaahay wax loola baxo waa mid aad usii qiimo weyn.

Si kastaba, Masjidka ku yaal Oxford ayaa qorshaynaya inuu cunnooyin bisil la gaaro kuwa baahan inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Toddobaadyo badanba, waxay soo wadeen howlahooda samafal iyaga oo maalin walba dhuuni bilaash ay u qeybiya kuwa ayaanka liita.

“Waxaa gadaashayada taagan walaal inoo sahlaya inan magaaladeenna qiimaha badan wax badan ku celino,” ayuu yiri Faisal Aziz oo guddiga qeyb ka ah. “Waxaana ku faraxsannahay inan ogeysiinno walaallada in bisha Ramadaanna ay maalin walba sidii caadada ahaydba u heli doonaan cunnooyin bisil oo dhuuni ka dhigtaan.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!