Muqdisho (Himilonews) – Gudniinka Fircoonigu wuxuu kamid noqday caadooyinka soo jireenka ah ee ragaadiyay nolosha jiilal gabdho ah taniyo gu’yaal badan. In-kasta oo aan la aqoon goortii u gudista gabdhaha qaabka Fircooniga uu soo if-baxay, hadana dhowr qarni kadib aragti laga qabo caada-dhaqameedkani ma ahan mid u weyn sidii hore. Mahad waxay u celin karaan fahamka baahaya ee ku aadan ...
Read More »Yearly Archives: 2017
Shaqaale banki oo adduun lacageed si kama’ ah ugu riday gudaafadda qashinka
Muqdisho – Shaqaale banki ayaa argagaxay kadib markii lacag kaash ah ay ku dareen qashinka – balse qarwaaqsaday gafkooda xilli gaariga lagu daabulo qashinka uu meesha ka dhaqaaqay. Maamulka bangiga ayaa sheegay in falkani uu soo shaac baxay maalintii Khamiista. Shaqaalaha ayaa si shil ah waxay lacagta oo dhan 50,000 oo Euro ah – una dhiganta $54,000 – ugu dareen ...
Read More »Marka uu macalinku sababsado geerida ardaygiisa
Nairobi (Himilonews) – Gabar yar ayaa ku dhimatay sababta macalimaddeeda aan dhimirsiga lahayn iyo wax-ma-garato ku fasal ahaa gudaha Kenya. Joy Wangari, oo 10-sano jir ah, waxaa la garaacay ilaa dhimashadeeda kadib markii baraheeda ay amartay in ardaydu dhangadeeyaan waayo waxay aqrin weysay casharka fasalka. Macalimadda ayaa iskaga carartay goobta kadib maqalka geerida inanta yar. Wangari ayaa ahayd ardayad dhigata Mukandamia ...
Read More »Yaab: Bangi la yiraahdo Grade Bank oo laga furay Shiinaha!
Beijing (Himilonews) – Haddii aad maqli jirteen bangi bixiya amaah lacageed; dul-saar iyo dul-saar la’aanba, bangi ku yaalla Shiinaha ayaa bixinaya buundooyin amaah ah – dadaal lagu doonayo in lagu yareeyo cadaadiska ay ardayda Shiineeska ahi kala kulmaan diyaarinta imtixaannada dugsiyadooda. Fikirkan waxaa bilaabay iskuul lagu magacaabo Nanjing. Wuxuu ardayda ugu deeqaa buundooyinka ka dhiman celceliska natiijada laga rabo inuu ku ...
Read More »Wax ka badan samafal iyo insaannimo
Delhi (Himilonews) – Ajay Munot, oo ah ganacsade maal-qabeen ah oo ku nool Maharashtra, India ayaa dhawaantan guryo u dhisay qoysas sabool ah halkii uu xaflad iyo damaashaad ugu sameyn lahaa arooska gabadhiisa. Munot ayaa qorsheynayay inuu ku bixiyo arooska inantiisa adduun lacageed dhan Rs 70-80 lakh ($115,000), hayeeshe markii uu la tashtay siyaasiyiinta gobalka, wuxuu go’aansaday inay jirto waddo fiican uu ...
Read More »Markay qoysku dib u midoobaan
Beijing (Himilonews) – Hooyo iyo labadeeda gabdhood oo weynaaday ayaa isla ilmeeyay markii ay nolosha ku midoobeen 28 sanadood kadib markii ay kala irdhoobeen. Nasiib-darro, gabdhuhu ma awoodin inay arkaan aabahood maadaama uu mar hore geeriyooday. Hooyada oo 72s sano jirta laguna magacaabo Chen Jiaxiang ayaa isku nabtay gabdhaheeda markii ay habeysay iyada oo sheegtay inaysan abid ku riyoon inay dib ...
Read More »Marka uu maal-qabeenku lacagtiisa ku labisto
Pretoria (Himilonews) – Michael Andile Dlamini, oo ah maalqabeen dhiryaqaan ah oo kasoo jeeda Nongoma, Koofur Africa ayaa noqday in loogu yeero ‘Mzimb’okhalimali’ – Jirka ku lamaanan lacagta, kadib markii uu bilaabay xirashada lacag nool oo kamid ah lacagta Rand ee laga isticmaalo gudaha dalkaas – si uu u muujiyo hodantinimadiisa. Dlamini ayaa saddax sano kahor wuxuu bilaabay inuu ka ganacsado ...
Read More »Marka uu Jiirku wax xado
Beijing (Himilonews) – Milkiilaha baqaar ku yaalla Shiinaha kaas oo Jiir ku qabtay isaga oo bariis ka xadaya ayaa xirxiray kadibna ku bahilay dadweynaha hortooda – taas waa sida loo qoray war ay baahisay warbaahinta gudaha ah ee Shiinaha, marka loo eego sawirrada oo lasoo geliyay baraha bulshada. Falkan ayaa ka dhacay Heyuan kadib markii ninkani uu arkay Jiirka oo cunaya ...
Read More »Cunug afar lugood iyo laba xubno taran leh oo ku dhashay Hindiya
Delhi (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Hindiya ayaa dhashay wiil leh afar lugood iyo laba xubno taran ah, marka loo eego dhaqaatiirta isbitaalka. Dr. Virupaksha T oo kamid ah dhaqaatiirta Dhadeasugure Primary Health Centre (PHC), ayaa sheegay inuu joogay markii haweeneyda 23-jirta ah ay dhashay dhallaan wiil ah oo leh afar lugood iyo laba xubno taran ah. Cunugan oo aan ...
Read More »Haweeney caloosheeda laga helay 57 baakad oo daroogo ah oo la xiray
Muqdisho (Himilonews) – Haweeney ayaa loola kacay dhinaca isbitaalka kadib markii mashiinka baaritaanka ee gegida diyaaradda uu shaki ka muujiyay walxo ku jiray caloosheeda. 32-jirta lagu magacaabo Luliia Makushova ayaa la xiray kadib markii tuhun ay ka muujiyeen saraakiil ku sugan garoonka Suvarnabhumi Airport ee Thailand. Markii ay gashay qeybta baarista garoonka, ciidanka ayaa go’aansaday inay mariyaan raajada X-ray Scan waxayna heleen ...
Read More »