MUQDISHO (HN) — Nin Kenyan ah ayaa dhawaan xabsiga loo taxaabay kaddib markii la ogaaday inuu iska dhigay xeer ilaaliye wuxuuna guddoomay kiisas gaaraya 26 gal-dacwadeed oo uu isagu maxkamadda horteeda ku metelay dhinacyadii uu difaacayay! Waxaa yaab leh inuu xattaa ku guuleystay dhammaan kiisaskaas xeer ilaaliyayaashii kale ee kula loolamayay. Brian Mwenda Njagi waxaa loo bixiyay Mike Ross-ka dhabta ...
Read More »Wararka
Webiga ugu madow caalamka!
MUQDISHO (HN) — Ruki, oo ah webi ku yaalla dalka Koongo waxaa dhawaan loo bixiyay webiga ugu madowga badan caalamka – maadaama biyihiisu ay aad u noqdeen madow aadan xattaa wejigaada ka dhex arki karin haddaad fiiriso! Aad bayse seynisyahannadu iskugu maandhaafsan yihiin sababta ka dambeysa inuu madow noqdo! Qaar waxay dabeecadda deegaanka ku hareeran siinayaan sababta; in kale waxay ...
Read More »Digaaga ugu cimriga dheer Adduunka!
MUQDISHO (HN) — Peanut ama Loos waxaa loogu yeeraa digaagadda ama doorada ugu da’da weyn adduunka maanta oo ku nool gobalka Michigan, dalka Maraykanka. Waxaana lagu qoray diiwaanka Buugga Guinness Record. Waxay jirtaa 21 sannadood iyo 170 maalmood. Caadi ahaan, digaagtu waxay noolaan kartaa shan ilaa sideed sannadood. Sidaas darteed, Loos waa mid aad uga fil weyn taariikhda dhow digaagga ...
Read More »“Xabsiga i dhiga ‘ma rabo’ xurriyadda bannaanka”!
MUQDISHO (HN) — Nin 60 jir ah oo u dhashay dalka Spain ayaa sheegay inuu qadyaan ka joogo kelinimo iyo walbahaar uga yimid ama uu ka qaaday xaalado caafimaad-darro ah. Wuxuuna codsanayaa in loo oggolaado nolosha xabsiga. Waayo, ayuu yiri, ma doonayo inaan wax dambi ah geysto! Justo Márquez, wuxuu kasoo jeeda gobalka Qarnaada wuxuuna hortaagnaa xabsiga Alhaurín maalmo badan – isaga ...
Read More »Ninka Buruska isla dhaca oo aan ka xanuunsan!
MUQDISHO (HN) — Lino Tomasén, oo ah 32 jir hibadiisa kusoo bandhiga jidadka, wuxuu dadka kaga yaabsadaa wax aan caqliga fiyow qaadan karin. Wuxuu burus weyn la dhacaa jirkiisa meelaha ugu badan sida gacmaha. Mana ahan mar kaliya maalintii. Ku dhawaad 1,000 jeer ayuu isku dhuftaa ama isla dhacaa buruska. Sidaas oo ay tahayna, wuxuu sheegay inuusan wax xanuun ah ...
Read More »Gudaha Moolka ugu weyn Adduunka!
MUQDISHO (HN) — Moolashada waxay astaan u yihiin dhaqaalaha iyo ganacsiga Maraykanka, waxaana la sheegaa in in ka badan 100,000 oo moolal wax laga iibsado ah ay ku yaalliin gudihiisa. Laakiin, moolka ugu weyn, sidaas oo ay tahay, kuma yaal dhexdiisa. Wuxuu ku yaallaa dalka Iiraan. Wuxuu ku yaal caasimadda Tehraan. Wuxuu ku fadhiyaa wareeg dhan 32 mitir oo wareeg ah: ...
Read More »Naadiga Qosolka ku daweeya Dadka ee Hindiya!
MUQDISHO (HN) — Qosolku waa daawada ugu fiican. Taas waa farriin kaaga imaanaysa Naadiga Caafimaadka ee xaruntiisu tahay bartamaha Bombay, dalka Hindiya. Naadiga ayaa rumeysan hal kal oo 15 daqiiqo ka kooban oo qosol ah inay kordhiso heerka nolosha. Waxay abuurtaa dareen xasilooni iyo bedqab leh. Saaka markay saacaddu ahayd 7:00 subaxnimo ayay xubnahan oo naadiga katirsan iskugu soo urureen ...
Read More »La kulan – Dhaqtaradda Shimbiraha ee gurigeeda ka dhigtay Isbitaalka Shimbiraha!
MUQDISHO (HN) — Catia Lattouf de Arída waxay gurigeeda oo ku yaalla Mexico City ka dhigtay xarun daryeel iyo isbitaal u gaar ah shimbiraha oo kuwooda dhaawacan ama beylahan lagu xanaaneeyo. Waxayna shaqadan ku guda-jirtaa muddo 11 sannadood ah. Maadaama deegaamaysiga iyo dhismayaasha dhaadheer ay camirayaan muuqaalka magaalooyinka, waxaa cidlo looga tagayaa hab nololeedka noolaha siiba shimbiraha maadaama inta badan ...
Read More »10 jir diiday in lagu cadaadiyo wax-barashada oo gurigiisa ka doortay xarumaha agoonta in la geeyo!
MUQDISHO (HN) — Kaddib markii hooyadiis ku cadaadisay inuu ka shaqeeyo leyliga iskuulka looga soo dhiibay, 10 jir u dhashay Shiinaha ayaa isaga cararay gurigiisa. Wuxuuna aaday saldhigga booliska si uu ugu wargeliyo wixii ka qabsaday guriga iyo inuu doonayo inuusan dib dambe ugu laaban. Sidaas darteed, wuxuu codsaday in la geeyo goobaha lagu daryeelo ilmaha agoomada ah. Warbaahinta Shiinaha ...
Read More »Haweeney 90 daqiiqo la dagaalamaysay Yaxaas oo lasoo badbaadiyay!
MUQDISHO (HN) — Haweeney u dhalatay dalka Induniisiya ayaa waqtigeedu wax ka dhinnaa kaddib markii 90 daqiiqo oo ay iska caabin joogto ah kula jirtay yaxaas lasoo badbaadiyay. Waxaana loola degdegay isbitaal si loogu siiyo gargaar. Falmira De Jesus, oo 38 jir ah, waxay biyo ka dhaansaneysay webiga kaddib markii uu si lama filaan ah usoo weeraray yaxaas oo biyaha ...
Read More »