MUQDISHO (HN) — Lino Tomasén, oo ah 32 jir hibadiisa kusoo bandhiga jidadka, wuxuu dadka kaga yaabsadaa wax aan caqliga fiyow qaadan karin. Wuxuu burus weyn la dhacaa jirkiisa meelaha ugu badan sida gacmaha. Mana ahan mar kaliya maalintii. Ku dhawaad 1,000 jeer ayuu isku dhuftaa ama isla dhacaa buruska. Sidaas oo ay tahayna, wuxuu sheegay inuusan wax xanuun ah dareemeynin.
La kulan da’yarka la baxay Ninka Birta ah.
Wuxuu kasoo jeedaa dalka Kuuba wuxuuna qabsaday hadalheynta dalkiisa sannadkii 2020 kadib markii la arkay muuqaal uu feerayo gidaar ama darbi. Taniyo muggaas, waxaa aad u kordhaysay caannimadiisa iyo shacbiyadda uu kasbanayo! Bartiisa Instagram-ka waxaa hadda ku xiran dad gaaraya 100,000. Bandhigyada uu jidadka ku qabto ayuuna lacag ka sameeyaa.
Wuxuu sidoo kale sameeyaa jimicsi. Waxaase uu qof kale oo goobjoog ah u fasaxaa inuu ku dhifan karo ama la dhici karo burus weyn si loo xaqiiqsado inuusan waxba ka taraynin!
You must log in to post a comment.