HomeWararkaLa kulan - Wiilka Webiga ku dhex nool!

La kulan – Wiilka Webiga ku dhex nool!

MUQDISHO (HN) – Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Iqbal Sheikh oo kasoo jeeda degmada Murshidabad ee gobolka West Bengal, waxaa la sheegay inuu shantii sano ee lasoo dhaafay uu inta badan noloshiisa ku qaatay balli yar, maadaama biyuhu ka caawiyaan inuu qaboojiyo maqaarkiisa oo uu ka dareemayo gubasho iyo xanuun daran.

In kasta oo uu marar badan booqday isbitaallo iyo dad sheegta inay daweeyaan cudurrada, haddana ilaa hadda majiro qof ku guuleystay inuu xaaladdiisa daweeyo ama xittaa si rasmi ah u ogaado cudurka haya.

In qof uu shan sano – habeen iyo maalin – ku dhex noolaado balli biyo ah waxay u muuqan kartaa arrin adag in la rumaysto. Hase yeeshee, sida ay sheegeen Iqbal iyo qoyskiisu, wuxuu la kulmaa xanuun aad u daran haddii uu muddo dheer biyaha ka maqnaado.

Iqbal ayaa aaminsan in dhibaatada haysata ay sabab u tahay jin, cirfiid ama uun kale oo katirsan waxyaabaha aan caadiga ahayn ee la rumeysan yahay inay dunida ku jiraan.

Muuqaallo muujinaya wiilkan 16 jirka ah, isla markaana biyaha kula dhex jira ilaa qoortiisa, ayaa dhowaan si weyn ugu faafay baraha bulshada. Waxayna dhalisay dood xooggan oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

Qaar kamid ah dadka isticmaala barta Reddit ayaa sheegay in astaamaha uu Iqbal muujinayo ay lamid noqon karaan cudur dhif ah oo loo yaqaan Erythromelalgia. Cudurkan ayaa inta badan saameeya cagaha, balse wuxuu sidoo kale ku dhici karaa qaybaha kale ee jirka. Calaamadaha ugu badan waxaa kamid ah dareen gubasho oo maqaarka laga dareemo iyo maqaarka oo casaada.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxa sababa cudurka Erythromelalgia, hayeeshee khubarada qaarkood ayaa aaminsan in arrimaha hidde-sideyaashu ay door ku yeelan karaan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in sheekada Iqbal ay soo jiidatay dareenka Anant Ambani, oo ah dhaxal-sugaha qoyska Ambani oo leh boqortooyo ganacsi oo aad u ballaaran.

Anant Ambani ayaa la sheegay inuu abaabulay sidii wiilkan loogu qaadi lahaa magaalada Mumbai, masaafo ka badan 1,300 mayl, si ay koox dhakhaatiir ahi u baaraan xaaladdiisa, si ay u ogaadaan cudurka haya uguna helaan daaweyn ku habboon.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments