HomeWararkaDameisha - Xeebta ugu Ciriiriga badan Caalamka.

Dameisha – Xeebta ugu Ciriiriga badan Caalamka.

MUQDISHO (HN) – Xeebta Dameisha oo ku taalla magaalada Shenzhen ee Shiinaha waxay caan ku tahay ama si kale haddii loo dhigo, sumcad ku yeelatay ciriiriga ba’an oo ka jira xittaa marka loo eego xeebaha kale ee dalka Shiinaha.

Xeebtan oo dhererkeedu yahay 1.8 kiiloomitir una dhiganta qiyaastii 1.1 mayl, waxay maalmaha fasaxa toddobaadka isu beddeshaa meel ay dad aad u tiro badan isugu yimaadaan. Xaaladda ayaa gaarta heer ay maamulka deegaanka ku qasbanaadaan inay xaddidaan tirada dadka loo oggol yahay inay xeebta galaan.

Si loo fahmo heerka ciriiriga ka jira xeebta Dameisha xilliyada xagaaga, waxaa ku filan in la booqdo baraha internet-ka sida; TripAdvisor oo la akhriyo faallooyinka dadka ka cabanaya ciriiriga. Qaar kamid ah booqdayaasha ayaa sheegay inaysan xittaa awoodin inay gaaraan biyaha badda, sababo la xiriira tirada badan ee dadka buux dhaafiyay xeebta.

Xeebta Dameisha waa xeeb dadweyne oo macnaheedu yahay in qof kasta uu isticmaali karo. Hayeeshee, sannadihii u dambeeyay, maamulka magaalada Shenzhen ayaa go’aansaday in la xaddido tirada dadka maalin kasta booqan kara xeebta, lagana dhigo ugu badnaan 80,000 oo qof maalintii, muddada u dhexeysa bisha May iyo bisha Oktoobar, si looga hortago ciriiri xad-dhaaf ah.

Dadka doonaya inay xeebta booqdaan waxaa waajib ku ah inay isticmaalaan nidaam ballan-qabsi hore loogu sii sameeyo, si loo xaqiijiyo inay geli karaan xeebta maalinta ay qorsheysteen inay booqdaan.

In kasta oo tirada 80,000 oo qof maalintii ay tahay mid aad u badan, haddana waxaa xusid mudan in mararka qaarkood xeebta Dameisha ay hal mar marti-gelisay ilaa 200,000 oo qof. Tiradaas ayaa ka dhigaysa mid aad u adag in dadka xeebta jooga ay si caadi ah ugu dhex socdaan, iskaba daa inay qorraxda ku nastaan ama badda ku dabaashaan.

Waxaa arrin la yaab leh ah in mid kamid ah wax-yaabaha ka qeyb-qaata ciriiriga xeebta Dameisha uu yahay gaadiidka dadweynaha. Waxaa jira khadad badan oo basas ah oo dadka geeya xeebta, waxaana intaas kasii muhiimsan in sal-dhig tareen dhulka hoostiisa mara uu ku yaallo meel kasoo horjeedda xeebta.

Arrintan oo ay weheliso xaqiiqda ah in gelitaanka xeebtu lacag la’aan yahay waxay ka dhigtay Dameisha meel ay aad u jecel yihiin dadka deegaanka iyo dalxiisayaashuba.

In kasta oo xeebtu ay faallooyin taban ka hesho TripAdvisor iyo baraha kale ee internet-ka, haddana Dameisha waxay weli tahay goob aad loo booqdo xilliyada xagaaga. Sawirrada muujinaya xeebta oo ay dadku buux dhaafiyeen ayaa si joogto ah ugu faafa baraha bulshada, iyaga oo soo jiita dareenka dad badan oo dunida ku kala nool.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments