MUQDISHO (HN) — Ku dhiirrashada ah inaad dareenka jaceyl ee laabta lulaya aad u sheegato qofka aad gaclootay ma ahan arrin sahlan. Mana ahan mid saadaal geli karta natiijada ka danbeysa. Dad badanse gidaarka ugu weyn ee wali heysta ma ahan natiijada, waa sida ay ugu sheegan lahaayeen waxa ugu dhibka badan. Hayeeshe, gudaha Japan waxaa jirta hal shirkad oo ...
Read More »Wararka
La kulan – Feeryahanka Hal-gacan ku feertama!
MUQDISHO (HN) — Nolosha Vaggelis Chatzis waa halgamayaasha aan sheekooyinkooda la werin. Isaga oo yar ayaa laga jaray xoogga gacantiisa xusulka ku siman. Wuxuuna noqday feeryahan ku diriri kara hal-gacan oo la-yaab leh. Maadaama uu gacan-laawe ahaa, carruurta qeyrkiisa ah waxay ugu yeeri jireen ereyo ka-dhan ah sida gacamey. Taasina waxay runtii dhaawacaysay qalbigiisa. Balse geesta kale waxay ka caawisay ...
Read More »Nolosha Xayawaannada ku nool Istanbul oo la horumarinayo.
ISTANBUL (HN) — Daryeelka noolaha waa mid ku weyn Shareecada Islaamka, hayeeshe looma sinna soo dhaweyntooda, marka laga reebo dadka magaalada Istanbul – iyaga oo xayawaanada la nool u diyaariya raashiinka ku habboon cunno ahaan, siiyana gabbaad ay kaga hoydaan heerkulka cimilada. Si lamid ahna, dowladda hoose ee Istanbul ayaa bilowday adeegga caafimaadka Vetbus kaas oo xayawaannada la-dayacay iyo kuwa ...
Read More »Qashinka Caasimaddeenna Kheyraad ma u beddelnaa?!
BANADIR (HN) — Muqdisho waxay ugu danbeyn u dabaal-degaysaa ahaanshaha kaalinta koobaad ee caasimadda ugu nadaafad-darrida badan caalamka. Guusha dadaalkaas waxaa si wadajir ah u dhaliyay dhammaanba madax iyo mijo oo iska kaashaday inay muraayaddii dalka si adag u xejisato booskeeda weyn. Halganka loogu jiro sii wasaqeynteedana wuxuu kusii socdaa si aan horay loo arag. Dhab ahaan, gees walba oo ...
Read More »Halyey Xaaji Ali – Halgamaaga Nadaafadda Caasimadda.
MUQDISHO (HN) –– Baba Xaaji Ali waa nin hadaf ku taagan. Subax kasta markuu waagu dillaaco wuxuu soo qaataa agabkiisa isugu jira iskoobe, qashin-gure iyo baaldi. Shaqadiisu waa in qeyb kamid ah jidadka dheer ee Makka al-Mukarrama oo ku dherersan xaafadiisa uu ku hubsado bilicsanaan iyo nadaafad. Afartii sannadood ee lasoo dhaafay ayuu soo waday shaqada samafalka ah. Isaga ahaanna, ...
Read More »Ciriiriga Jidka Wadnaha – Dhibaato aan wali Xalkeeda laga arrinsan!
MUQDISHO (HN) — Ciriiriga ka jira Waddada Wadnaha wuxuu u muuqdaa mid aan kala joogsi laheyn waqti walba laga bilaabo markuu waagu dillaaco iyo gabbal-dhaca. Bu’da juqraafi ahaaneed oo ay ku taallo iyo la’aanta nidaamka taraafikada waddooyinka oo aan sidii looga baahnaa u shaqeyneyn ayaa ka dhigtay mid maritaankeedu kugu qaadan karo ku dhawaad nus saac inaad ku dhaafto. Balse ...
Read More »Dood ku saabsan Xuquuqda Haweenkeenna oo lagu qabtay Jaamacadda Hope.
MUQDISHO (HN) — Dood magac ahaan loogu yeeray ‘Haweenkeennu mahelaan xuquuqdooda mise wax baa ka dhiman?’ ayaa lagu qabtay hoolka Jaamacadda Hope University ee Muqdisho. Kulliyadda Cilmiga Bulshada iyo Siyaasadda – qeybteeda Maamulka Dadweynaha oo laba dhinac ah ayaa ka qeyb-qaatay doodda. Marti Sharaf kala duwan oo isugu jira barayaal, arday, aqoon-yahanno Jaamacadaha kale ee magaalada ka yimid ayaa kasoo ...
Read More »Jadev Payeng – Halgamaa Kaligiis beeray Keyn kamida Keymaha Hindiya!
MUQDISHO (HN) – Jadav Payeng oo ah nin ku jira da’aadda 50-meeyada, wuxuu tiir-dhexaad u noqday suura-gelinta keyn weyn in laga dhigo kob cidlo ah oo ku dhex taalla webiga Brahmaputra ee gobalka Assam, India. Dadaalkiisa waxaa soo weriyay warbaahinta caalamka iyo dalxiisayaasha. Mulai, oo ay Jadev ugu yeeraan dadka degaanka, wuxuu bilaabay inuu degaanka ka shaqeeyo sannadkii 1980-kii. Mashruuc ay waagaas soo ...
Read More »La kulan – Ninka beeray Shan Milyan oo Geedo ah!
DELHI (HN) — Vishweshwar Dutt Saklani wuxuu dhintay Jan 18, 2019, balse waxaa waligiis jiraysa xusuustiisa iyo magacii uu ka tagay oo ahaa Tree Man of Uttarakhan. Wuxuu ahaa geyfane u halgamay beerista in ka badan shan milyan oo geedo ah. Wuxuu degaankiisa awal ahaan jiray kob lama degaan ah uga tagay keyn baaxad weyn. Saklani wuxuu noloshiisa la dhinac noolaa ...
Read More »Jabhadihii Qabiilka ku salaysnaa oo isku bedelay Maamul Goboleed.
MUQDISHO (HN) — Soomaaliya waa dal ku yaalo Geeska Afrika, wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Gacanka Cadmeed oo ka xigta Woqooyiga, Jabuuti oo ka xigta Woqooyi galbeed, Itoobiya oo ka xigta dhanka Galbeed, Kenya oo ka xigta dhanka Koonfureed iyo Badweynta Hindiya oo ka xigta dhanka Bari. Soomaaliya waxay ka mid tahay ...
Read More »