crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nolosha Xayawaannada ku nool Istanbul oo la horumarinayo. | HimiloNetwork

Nolosha Xayawaannada ku nool Istanbul oo la horumarinayo.

ISTANBUL (HN) — Daryeelka noolaha waa mid ku weyn Shareecada Islaamka, hayeeshe looma sinna soo dhaweyntooda, marka laga reebo dadka magaalada Istanbul – iyaga oo xayawaanada la nool u diyaariya raashiinka ku habboon cunno ahaan, siiyana gabbaad ay kaga hoydaan heerkulka cimilada.


Si lamid ahna, dowladda hoose ee Istanbul ayaa bilowday adeegga caafimaadka Vetbus kaas oo xayawaannada la-dayacay iyo kuwa xanuunsan la soconaya xaaladdooda.
“Vetbus waa adeeg saaran gaadiid wareega kaas oo hadiyo jeer socod ku maraya waddooyinka magaalada – isaga oo baadigoobaya xayawaan dhibaataysan ama gargaar iyo gurmad degdegga u baahan,” ayuu yiri Mevlude.

“Badi dadka xanaaneysta ama rabaayadda guryaha ku heysta waxay noola yimaadaan xayawaannada si aan u siino tallaalka kahor-tagga cudurrada, dadkuna maadaama ay aad ula falgalaan xayawaannada, iyagana waxaa sidoo kale la siiyaa tallaal ay kaga hortagi karaan cudurrada halista ah ee kaga yimaada sida raabiyada eyga.”

Baraaruga ay bulshada Turkiga ku baraarugayaan daryeelka xayawaannada wuxuu kasokow Islaamka, dib ugu laabanayaa dhaxalkii hore ee Khilaafada Cusmaaniyadda oo waagii ay jirtay daryeel gaar ah u fidin jirtay noolaha.

Balse dhicistii Cusmaaniyadda kaddib, noolahani mahelin il gaar ah oo lagu eego. Qaar badan ayaa la jirdili jiray ama dayac u dhiman jiray. Hayeeshe, hadda wax walba way is beddelayaan. Waxaana xayawaannada u iftiimaya rajo nololeed oo aas-aasi ah.

Marka laga yimaado gaadiidka wareega, waxaa kale oo jira dhowr xarumood oo howlgalka daryeelka xayawaannada kala dhinac shaqeeya. Hadafku wuxuu yahay in la xanaaneeyo ku dhawaad 130,000 oo eeyo ah iyo 165,000 oo bisado ah.

Xayawaannada lagu arko calaamado caafimaad-darro oo halis ah waxaa lagu karantiilaa goob cayiman ilaa ay ka bogsadaan. Tusaale ahaan, hadda gacanta dowladda hoose waxaa ku jira ku dhawaad 76,000 oo xayawaanno ah marka lala barbardhigo sannadkii 2004 oo ay daryeeli jirtay 2400 oo kaliya.


Waraysi lala yeeshay wasiirka beeraha iyo keymaha ayaa sheegay in adduun dhan 6 milyan oo doolar ay ugu deeqeen dowladda hoose sannadkii hore si ay sare ugu qaado xanaaneynta xayawaannada.

Dadaalka ay bulshada Turkiga iyo dowladdooda ku bixinayaan daryeelka xayawaannada wuxuu dhabtii albaab cusub u furayaa nolosha noolaha ku nool kuwaas oo hadda ku biiraya dunida ay xaqa u lahaayeen inay ku noolaadaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!