crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Feeryahanka Hal-gacan ku feertama! | HimiloNetwork

La kulan – Feeryahanka Hal-gacan ku feertama!

MUQDISHO (HN) — Nolosha Vaggelis Chatzis waa halgamayaasha aan sheekooyinkooda la werin. Isaga oo yar ayaa laga jaray xoogga gacantiisa xusulka ku siman. Wuxuuna noqday feeryahan ku diriri kara hal-gacan oo la-yaab leh.


Maadaama uu gacan-laawe ahaa, carruurta qeyrkiisa ah waxay ugu yeeri jireen ereyo ka-dhan ah sida gacamey. Taasina waxay runtii dhaawacaysay qalbigiisa. Balse geesta kale waxay ka caawisay inuu soo saaro xooggiisa ku dahsoon gacanta qura ee usoo hartay. Wuxuuna go’aansaday inuu feeryahan noqdo.

31-jirkan ayaa feerka kusoo biiray toban sano kahor markii uu u wareegay UK si uu uga xoogsado. Tony Lang oo lahaa xarun feer oo ay isku barteen UK ayaa ka saaciday riyadiisa inay u rumowdo. Wuxuuna dadaal dheer kaddib kusoo baxay feeryahan mucjiso ah.

In-kasta oo ku-dagaalanka gacan qura ay dhib badan tahay, haddana taasi marwalba waxay caqabad ku aheyd halgankiisa, balse kuma joogsan jirin. Sannadkii 2015, wuxuu sameeyey tartankiisii ugu horreeyey ee xagga feerka ah, wuuna ku guuleystay.

Feerkiisa labaad, wuxuu kala kulmay jug culus oo sababtay inuu garoomada ka maqnaado muddo laba sano ah. Balse wuu soo laba kacleeyey. Wuxuuna rajeynayaa inuu sii wado feerkiisa ilaa uu ka gaaro da’da 35 jirka.

Hadda wuxuu ku tababbaranayaa magaaladiisa Athens ee dalka Giriiga.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!