BANADIR (HN) — Muqdisho waxay ugu danbeyn u dabaal-degaysaa ahaanshaha kaalinta koobaad ee caasimadda ugu nadaafad-darrida badan caalamka.
Guusha dadaalkaas waxaa si wadajir ah u dhaliyay dhammaanba madax iyo mijo oo iska kaashaday inay muraayaddii dalka si adag u xejisato booskeeda weyn. Halganka loogu jiro sii wasaqeynteedana wuxuu kusii socdaa si aan horay loo arag.
Dhab ahaan, gees walba oo aad eegto, qashinku wuxuu noqday mid araggiisu nagu batay oo gees walba oo aad jalleecdo uu kaaga gacan-haatinayo. Laga bilaabo tallaabta ugu horreysa oo aad aqalkaada uga soo baxdo; dhabbaha aad soo marayso; laamiga aad gaariga kasoo fuuleyso ilaa aad ka timaado goobtaada shaqada ama wax-barashada, qashinka waa sheyga qura oo meel uu kaaga harayo aysan jirin. Xittaa haddii aad safar – miyi iyo magaalo – aad isku marayso, sida aad u og tahay in hooskaadu uusan kaaga go’eyn, qashinkuna meel walba wuxuu kuu yahay marti soo dhaweyn leh.
Hayeeshe, su’aasha taagani waxay tahay; qashinku ma yahay marti loo baahan yahay mise waa musiibo?
Sida horayba loo yiri; dal qashinkiisu waa kheyraadka dal kale – ‘a country’s trash is another country’s treasure’, mas’alada qashinku ma ahan mid ugub ku ah halbeegga dhaqan-dhaqaale ee nolosha degaankeenna. Waa mid guud oo aan la wadaagno ummadaha ifka ku nool. Balse waxaan ku kala duwannahay fahamkeenna ku aadan qashinka – inaan u aragno faa’iido ama fadaro.
Sida xeesha dheer ee fahamka qashinka loogu kala fogaaday ayaa ah bilowga sirta guusha ee laga dhaliyo wax dal iyo degaan gaar ah ku haya musiibo in dal kale uu ka dhex arko macaash nololeed.
Mana ahan fahamkani mid aragti qura ku saleysan. Goor hore dunida Reer Yurub waxay ku guuleysatay inay kala dhoofsadaan shixnado qashin ah – siiba kuwa adeegsiga geli kara mar kale – si ay dib ugu farsameeyaan.
Tusaale ahaan, Jarmalku wuxuu dib u adeegsadaa dhammaanba qashinka ay muwaadiniintu si maalinle ah iskaga soo saaraan. Balse waxaa dadaalkooda kasii dheereeyey dalka Switzerland oo gaaray heer qashinka dalalka deriska la ah uu soo dhoofsado si ay dib ugu adeegsadaan maadaama qashinkoodu ku filnaan waayay!
Waxaase taas kasii yaab badan dalka yar ee Singapore oo ay ku taallo dhul-u-ek la yiraahdo Jaziiratu al-Zabaalah oo asalkeeda laga dhisay haraadiga ugu danbeeya ee kasoo hara qashinka.
Haddii Jarmalka oo saddex laab ka badan Soomaaliya ay qashinkoodu ka dhigteen kheyraad, waxa qashinkeenna u diiday inuu kheyraad isku rogo waa kaliya aragtideenna ku aadan fahamkiisa.
Balaastikada oo 60% ka ah qashinka magaalada tuban – maadaama ay kamid tahay walxaha aan dhammaatiga gelin ee oogada dhulka kusii waara boqol sanno ka badan – waxay mustaqbalka degaankeenna ku tahay halistii ugu weyneyd oo qarniga 21aad nasoo foodsaaraysa.
Saameynta ay kaga tagayso degaanka kuma koobna oo kaliya berriga, balse waa mid gunta hoose ee badaha ugu tagaysa noolaha ku dhex nool. Sannad kasta boqollaal kun oo noolayaasha badda ku jira kamid ah ayaa u dhinta cunista bacda balaastikada. Tirada xoolaha ee miyiga fog iyo magaalada ku sugan iyaganu way kaga sii nugul yihiin.
Inaan dhib u aragno qashinka, heer dunida kale ay dheef ka dhigatay, runtii waxay dhaawacaysaa faya-dhowrsanaanta degaankeenna. Waxayna naga hor istaagaysaa in fursado dahabi ah oo ku dhex jira aan qaafil ka noqono. Haddii degmo kasta oo innaga mid ah qashinka ay soo saarto dib loogu celiyo adeegsi, waxaan muddo gaaban gudaheed ugu guuleysan karnaa deegaan quruxsanaan sal-dhigeedu yahay maareynta iyo ka macaashka qashinka.
Ugu danbeyntii, halkii aynu u dabaal-degi laheyn xakameyn la’aanta sii baahaysa ee qashinka, sow lama joogo waqtigii aynu kheyraad ka dhigan laheyn?!
 Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com