Kuala Lampur (HN) — Masjid ku yaalla caasimadda Malaysia ayaa horay u qaadaya tallaab sahlaysa in qofku – isaga oo adeegsanaya aaladda ATM-ka Bangiyada – sakada raashiinka siiba bariiska ku bixin kara qaab sahlan, sida laga soo xigtay Channel New Asia.
Mashiinka oo la dhigay Masjidka al-Akram waxaa loogu dawgalay in yabooha zakada loogu ururiyo bulshada Asnaf kuwaas oo inta badan loogu yabooho zakooyinka dalka kasoo xerooda.
Haddii aad u baahato inaad bariis kala baxdo mashiinka, waxaa kugu filan in kaarkaada ATM-ka aad saarto goob sawireed loogu tala-galay – kaddibna waxaa qeybta hoose – oo rasmi ahaan ATM-yada caadiga lacago kasoo dhacaan – kaaga soo daadanaya labo kiilo oo bariis ah.
Marka loo eego ATM Industry Association (ATMIA), waxaa jira 3.5 milyan oo ATM-yo ah oo dunida dacalladeeda ku kala yaalla. Baahida ATM-yada ayaa timid markii la ogaaday in macaamiisha bangiyada ay lacago u baahnaan karaan xittaa marka la xiro – sidaas awgeed si lacaguhu u noqdaan kuwo aan ku xirneyn xirnaanshaha iyo furnaanshaha bangiga, waxaa lasoo hindisay fikradda ATM-ka.
You must log in to post a comment.