MUGLA (HN) — Oday reer Britain ah oo muddo afar iyo toban sannadood ah ku sugnaa dalka Turkiga ayaa qaatay diinta Islaamka – kaddib muddo badan oo uu la dhacsanaa akhlaaqda, dhaqanka iyo tacaaliimta Islaamiga ah.
Cliff Peter Barber, oo 72 jir ah, kaas oo deganaa magaalada fethiye ayaa sheegay inuusan ku kadsoomin go’aankiisa ah qaadashada diinta Nabadda iyo Jaceylka.
‘Waxaan jeclaaday Islaamka markii aan aqriyay sooyaal-qofeedka Suubanaha NNKH iyo bilaabashadii Islaamka,” ayuu yiri.
Markii uu ku dhawaaqay Shahaadada, Cliff wuxuu magaciisa cusub u qaatay Jameel, balse diin ahaan qasab ma ahan in qofku iska beddelo magaciisa kahor muslimnimadiisa lagu yiqiin – haddii aanu muujineyn wax ka dhan ah caqiidada Islaamiga ah.
Waaxda Arrimaha Islaamka ee Mugla ayaa Jameel guddoomisay kitaab Jaamaca Qur’anka.
Britain waxaa la tilmaamayaa in muwaadiniinteeda ay sannad walba tiro lagu qiyaaso 100,000 ay qaataan Islaamka.
You must log in to post a comment.