crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Halyey Xaaji Ali – Halgamaaga Nadaafadda Caasimadda. | HimiloNetwork

Halyey Xaaji Ali – Halgamaaga Nadaafadda Caasimadda.

MUQDISHO (HN) –– Baba Xaaji Ali waa nin hadaf ku taagan.

Subax kasta markuu waagu dillaaco wuxuu soo qaataa agabkiisa isugu jira iskoobe, qashin-gure iyo baaldi. Shaqadiisu waa in qeyb kamid ah jidadka dheer ee Makka al-Mukarrama oo ku dherersan xaafadiisa uu ku hubsado bilicsanaan iyo nadaafad.

Afartii sannadood ee lasoo dhaafay ayuu soo waday shaqada samafalka ah. Isaga ahaanna, shaqadani waxay uga dhigan tahay wax ka qaayo weyn samafal.  

“Wallaahi, aroor walba haddii aanan usoo kicin inaan nadiifiyo maba joogi karo,” ayuu yiri Xaaji Ali oo 68 jir ah. “Waa sida anigoo u jeeda qashin gurigayga horyaalla oo ay qasab igu tahay inaan ka xaaqo.”

Xaaji oo hadda ah aabo ay u joogaan laba carruur ah, wuxuu maalin kasta saddex saac ku dhawaad ku bixiyaa nadiifinta iyo xaaqista waddo muhiimadda maristeedu aysan kaliya ahmiyad ugu fadhin dadweynaha, hayeeshe dowladda ay ku hoos nool yihiin.

Balse Xaaji Ali shaqadani ugub kuma ahan noloshiisa. Wuxuu berisamaadkii kamid ahaa dhalinyaradii iskaa-wax-u-qabso uga soo howl-galay qeybo kamid ah waddanka. Wuxuu kasoo shaqeeyey dhowr mashaariic oo dowladdii Kacaanka ay ka hir-gelisay Muqdisho iyo Shabeellooyinka.

Wuxuu sannadkii 1958 ku dhashay magaalada Muqdisho – isaga oo noloshiisa inta badan – oo ay ku jirto wax-barashadiisa – ku qaatay halkan.

In kasta oo fil ahaan uu gaaray waqtigiisa howl-gabnimada ama aayamaalka, haddana wuxuu aroor walba sida caadada u ah uu usoo jarmaadaa shaqo aan mudnaantii ay u baahneyd lagu siinin shaqaalaheeda si ay u suura-geliyaan degaan hufan oo ka badqaba wasaqda iyo uskagga.

Balse Xaaji tani kuma ahan caqabad weyn.

“Degaanku waa sida guri aad ku nooshahay oo marka aad dhimatana ubadkaada dhaxal ahaan ugu haraya, dhaxalka ugu fiican ee jiilka maanta looga tagi karana waa degaan faya-dhowrkiisa aad loo hubsaday,” ayuu yiri.

Hayeeshe hadafkiisani uma muuqda mid si dhab ah wali uga daadegaya dowladda hoose ee gobalka Banaadir iyo laamaheeda nadaafadda ka shaqeeya.

Waa wax iska caadi ah in waddo walba oo Muqdisho kamida aad ku aragto tuur qashin ah iyo bacaad mararka qaar qarinaya muuqaalka laamiga. Mana muuqato daryeel maalinle ah oo lagula tacaalo qashinka tira-dhaafay ee tuban hareeraha waddooyinka caasimadda.

Dadaalka uu Xaaji Ali qeyb kaga yahay nadaafadda caasimadda waa sida dhibic ku dhacaysa badweyn biyo ah, hayeeshe wuxuu falkiisa ku raadeyn karaa qalbiyada malaayiin muwaadiniin ah kuwaas oo kala socda baraha bulshada iyo fogaan-aragyada.

Farriintiisu waa in kuwa asaagii ah – kuwaas oo inta badan waqtigooda ku dhammeysta ku ictikaafka masaajidda iyo goobaha lagu qaxweeyo – ay kala shaqeeyaan faya-dhowrka degaanka.

Raadkiinnu waa inuu ka muuqda taariikhda, tusaale nool waa inaad u noqotaa jiilka faca hore ee maanta naga danbeeya,” ayuu yiri. “Waddan aan waxba loo qabanin faa’iido malahan.”

Haddii hal qof oo kaliya uu maalin walba usoo kacayo nadaafadda degaankiisa, maxay kula tahay inaan sameyn karno innaga oo wadajir u howl-galna?!

_______________________________________________________
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!