MUQDISHO (HN) — Ciriiriga ka jira Waddada Wadnaha wuxuu u muuqdaa mid aan kala joogsi laheyn waqti walba laga bilaabo markuu waagu dillaaco iyo gabbal-dhaca.
Bu’da juqraafi ahaaneed oo ay ku taallo iyo la’aanta nidaamka taraafikada waddooyinka oo aan sidii looga baahnaa u shaqeyneyn ayaa ka dhigtay mid maritaankeedu kugu qaadan karo ku dhawaad nus saac inaad ku dhaafto.
Balse marwalba oo laga hadlayo ciriiriga ka jira waddadan, lama xiriirto oo kaliya tirada gaadiidka isticmaala. Waxaa jira dhowr arrimood oo is biirsaday taas oo ugu danbeyn geyeysiisay waddadan inay noqoto mid dadweynuhu ay dhib kala kulmaan maristeeda.
Dhismaha waddadan oo balac ahaan – labadeeda dhinac – ay isku jiraan ku dhawaad 20 tallaabo, marka ay isku feer-dhaafayaan lix gaadiid oo midkood ugu yaraan uu yahay gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada, wali ma ahan dhibaatada qura ee heysata.
Mushkiladdu waxay marwalba kasoo rogmaneysaa la’aanta nidaamka taraafikada oo – halkii ay aheyd inay kala xadeeyaan baabuurta afarta dhinac uga kala imaaneysa is-goysyada Bakaaraha iyo Howl-wadaag – aanba halkan si rasmi ah uga shaqeynin.
Dhibta kale ee jirta ayaa ah; gaadiidka u badan kuwa xamuulka oo sidii garaash ama dekad shixnad lagu rarayo ku dhinac baakiman laga soo bilaabo Is-goyska Siinaay ee Tarabuunka – siiba inta u dhaxaysa Is-goysyada Bakaaraha iyo Howl-wadaag – kuwaas oo ciriiriga ka jira Wadnaha kasii dhigaya dhibaato aan dhammaad laheyn.
Maadaama Jidka Wadnaha oo awalba – ahaanshaha halbowlaha caasimadda uu yahay awgeed loogu magac-daray Wadnaha – waxaa kale oo muhiimadiisa jid ahaaneed sii xoojinaya Suuqa Bakaaraha oo ku dhawaad maalintii ay usoo shaqo-tagaan nus malyuun muwaadiniin ah. Marka la joogo xilliyada Ciidaha iyo u-diyaargarowga Bisha Barakeysanna, tiradu way kasii korodhaa.
Caqabadaha ay sababayso wax-ka-qabasho la’aanta ciriiriga Waddada Wadnaha waa dhowr.
Ku dhawaad daqiiqadaha kooban oo ay isku xayirmayaan gaadiidka dadweynaha, waxaa dhibteeda si dhab ah u dhadhamin kara; ardayda u degdegaya goobtiisa wax-barashada; ganacsadaha raba inuu dalab looga baahnaa halhaleel ku gaarsiiyo macmiilkiissa iyo qof laga yaabo in bukaan isbitaal uga xanuunsan uu isleeyahay ‘ka-gaarsii’.
Waxaa intaas ka badan oo jiri kara dhaawac lagu walwaalayo anbalaasta oo haddii aan laga gaarsiin gurmad degdeg ah halis ugu dhiman kara ciriiriga ka jira Waddada.
Maamulka degmada Howl-wadaag oo mas’uuliyadda ugu badan ay fuuleyso xil-is-saarid la’aanta ciriiriga ka taagan Wadnaha, waxaa la gudboon inay si muuqda uga fal-celiyaan dhibaatadan. Muhiimad weyn kuma fadhiso in – marka gaadiidku ay madaxyada isla galaan – ay soo diraan ciidamo xabado ku kala fura Waddada taas oo sida muuqata laftigeeda halis geeri ku siman gaarsiin karta dadweynaha isku xoonsan.
Haddii saddexda degmo ee Wardhiigley, Howl-wadaag iyo Hodan ay iskaga yimaadaan xal-u-helidda ciriiriga ka taagan Jidka dheer ee Wadnaha, ugu yaraan waa lagu guuleysan karaa suura-gelinta nidaam xal-u-noqda ciriiriga daba-dheeraaday ee ka jira Waddada.
Inaan waxba laga qabanse, waxay dhabtii culeys aysan sii mahdin doonin dadweynaha ku noqon doontaa ku socdaalka Waddadan muhiimka ah.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
You must log in to post a comment.