LONDON (HN) — Si xusuusta guurkooda ay uga dhigaan mid aan la ilaabin, lammaanayaal Muslimiin Britain ah ayaa farxadda xafladda arooskooda la wadaagay dadka darbi-jiifta ah ee ku nool gidaaradda caasimadda London – iyaga oo u qeybiyay cunnooyin kala ceyn ah.
“Waxaan rabnay inaan farxadda iyo mahad-celinta maalinteenna weyn la qeybsado qeybaha bulshada oo aan cidlo looga tagin qolo gaar ah, waxaana fikraddan quruxda badan nala wadaagay saaxiibadeenna noogu dhow,” ayay yiraahdeen Anna Begum iyo Zakareah Khan oo ah lammaanaha is calmaday.
Lammaanahan Muslimiinta ah ma ahan kuwii ugu horreeyey ee tallaabadan oo kale sameeya maalinta arooskooda.
Sannadkii 2016-ka, lammaane u dhashay Turkiga ayaa qaxootiga Suuriya la wadaagay farxadda arooska. Halka isla sannadkaas, lammaane Soomaaliyeed oo ku dhaqan Gaalkacyo ay cunnooyin iskugu jira macmacaan iyo raashiin u qeybiyeen dan-yarta ku dhaqan magaalada.
You must log in to post a comment.