HomeDunida MuslimkaGuurka Shareecada Islaamka oo laga oggolaanayo UK.

Guurka Shareecada Islaamka oo laga oggolaanayo UK.

LONDON (HN) – Golaha Wasiirrada Britain ayaa qorsheynaya inay si rasmi ah u aqoonsadaan guurka Islaamiga si bulshada Muslimiinta looga caawiyo in diiwaanka guukooda lagu daro midka qaran ee UK.


Tallaabadani waxay haweenka Muslimiinta UK ka kaalmeynaysaa inay si rasmi ah guurkooda ugu helaan diiwaan si shaqaaqada guurkooda loogu maro hab maamuus ku dhisan Shareecada Islaamka oo ay dhinac aqoonsan tahay Sharciga Guurka UK.

“Muslimiinta waxay si muuqata u qabsan karaan guurkooda. Sharciga xeerkan cusubina wuxuu soo if baxayaa goor dhow,” ayuu yiri
James Brokenshire oo ah xog-hayaha bulshada UK.

Nikaaxa lammaanaha Muslimiinta ah waxaa si aan diiwaan gashaneyn awal loogu qaban jiray masaajidda. Balse hadda waxaa lagu qabanayaa isla masaajidda iyada oo diiwaankooda la gelin doono Galka Guurka UK.

UK waa dalka Yurub kamid ah oo laga oggol yahay maal-geshi Islaami ah iyo Bunuug ku shaqeynaya Shareecada Islaamka sida lamid ah dalalka kale ee Midowga Yurub.

Muslimiinta UK ayaa si weyn ugu soo badanaya – halkaas oo la rumeysan yahay in 100,000 oo qof ay sannad kasta qaataan Islaamka.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments