MUQDISHO (HN) — Mas’uuliyiinta Shiinaha ee gobalka
Xinjiang ee Muslimiinta Uyghur ay leeyihiin ayaa ku qasbaya dadka ku nool degaanka Ili Kazakh inay cabaan Khamriga oo ay cunaan hilibka Doofaarka, sida ay werisay Radio Free Asia.
“Dadka Kazakh waligoodba ma cunin hilibka doofaarka,” ayuu yiri dagane kamid ah dadka degaanka ee reer Xinjiang. “Bilowgii sannadkan, ayaa dadka lagu qasbay inay cunaan hilib doofaarka iyo khamriga si ay ula dabaal-degaan qowmiyadda Han.”
Haddii ay ka biya-diidaan amarka lagu soo rogay, waxaa loo dhaadhicinayaa xabsiga dhaqan-celinta.
Shiinaha ayaa cadaadis xooggan saaraya tirada Muslimiinta ah ee dalkiisa ku nool kuwaas oo tacadiyo kala duwan iyo xurriyad la’aan kala kulmaya xukuumadda Shuyuuciyadda.
QM ayaa canbaaraysay dhibaatada dahsoon oo Shiinuhu ku hayo Muslimiinta gooni-sooca ah ee dalkiisa ku dhaqan kuwaas oo asal ahaan kasoo jeeda qowmiyadda Turkida.
You must log in to post a comment.