Dhibaatada lagu hayo Muslimiinta Rohingya.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
August 18, 2015
669 Views




Muqdisho (Himilonews) – Ku tilmaamista ay Qaramada Midoobay ku sheegtay mid kamid ah tira-yarta ugu badan ee la dhibaateeyo, Muslimiinta Rohingya waxay ku wajahayaan maalmo ayaan-darraysan oo takooris ah gudaha dhulkooda.
Waxaa loo diiday xuquuqda muwaadinimada. Taniyo markii dib-u-habayn lagu sameeyey xeerka muwaadinimo sanadii 1982, Muslimiinta Rohingya waxaa loola dhaqmaa sida soo-galooti sharci darro ku yimid dalkoodii ay ku dhasheen.
Kooxaha xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa ku eedeeyay xoogaga amaanka Burma inay dilal, kufsi iyo xiris ku wadaan Muslimiinta Rohingya taas oo ka danbeysay qalalaasihii dhacay sanadkii 2014.
Intii u dhaxeysay 2012 iyo 2013, fadqalalo ay Buudistayaashu wadeen ayay ku dileen boqollaal Muslimiin Rohingya ah; iyaga oo ka barakiciyay guryahoodi qoysas gaaraya 140,000.
Sida ay Qaramada Midoobay sheegtay, in-ku-dhow 29,000 oo qof ayaa ka qaxay qalalaasaha—97% dadkaas waa Muslimiin Rohingyas ah.
Dhibaatooyinka lagu hayo Muslimiinta Burma ee Rohingya ayaa mugdi sii galiyay ifafaalaha Mustaqbal ee noloshooda. Caruurta reer Rohingya waxaa la dhalaa iyaga oo cabsi lagu fooshay. Ku korista nolol takooraysa iyo waayo tiir adag ku xiraya ayaa dacar u marisay dhadhansigoodii nolosha.
Mar kasta oo Muslim Rohingya ah uu wadada kali marayo, waxa ugu weyn ee qalbigiisa ruxaya waa nabad-galyadiisa. Dareen-qabku waa tumaatida ugu wayn ee reer Rohingya qurub-qurub rajadoodii nolosha u dhig-dhigay.
Sheekooyinka dadka qaxay wali waa lamid kuwa dhulkooda ku rafaadan. Kadib hayaan dheer oo ay usoo galeen inay carro-edeg kusoo gaaraan—intii soo sama-tabaxday—wali waxay is-weydiinayaan waxa beesha caalamku uga hadli la’dahay xaqqooda!! Xittaa dib-u-caga-dhigashada carro-edeg, badigood ma hayaan kalsooni ku dhalinaysa inay kusii dul nagaan doonaan iyo in kale.
“Ma ogin inaan carro-edeg ku dul socon doono iyo in kale. Waayo dal kasta wuu noo diiday magan-galyo. Mid kasta ma doonayo inuu dhulkiisa naga siiyo deegaan,” mid kamid ah dadkii kusoo dhoofay doonni laba todobaad badda kula sabaynaysay ayaa u sheegay war-fidiyeenka.
Wuxuu dib-u-gocday diihaalkii dheeraa ee ay kusoo gaareen carro-edeg. Wuxuu sheegay inay saranseer dhibaato badan u sahay tageen. Waxyaabaha aan qalbigiisa ka tirmayn inta uu ifka joogo ayuu ku sheegay inay ahaayeen dadkii haraad iyo haqab dartii nafta u waayay. Wuxuu ku socdaa inuu sharraxo sidii ay kaadidooda u cabi jireen say u samata-baxaan. “Kolkii ay biyihii yaraa naga idlaadeen ayaan kaadideenni bilownay inaan cabno,” ayuu yiri isaga oo jeedaalo dheer eegaya gunta badda ee uu maalmo badan kusoo jiray.
Isaga oo dib-u-tirinaya dhibaatooyinkii kale ee mahadhada ku reebay lubbigiisa, wuxuu suldaaradan ku sheegay socdaal ay sahaydiisu ahayd dhimasho. Waliba isaga laftiisa waxay ku ahayd dhib inuu rumeysto inuu nolol ku tagi doono carro-edeg iyo in kale!
Hayaankan ayaa ka danbeeyey kadib suldaaristii ay dowladda Burma dalkeeda kaga soo tahriibisay qoysaska Muslimiinta Rohingya iyada oo ku sheegtay inay yihiin soo-galooti hore oo qaab magan-galyeed Burma ugu noolaa qarniyo badan.
Ururrada u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa ku sheegay dhibaatada lagu hayo Muslimiinta Rohingya mid ka dhan ah xaqa asaasiga ah ee Bani’aadminimada oo loo baahan yahay in Beesha Caalamku xal u doonaan dhibanayaasha Rohingyas.
Dalalka Islaamka ah ayaa dhaleecayn iyo digaal u diray maamulka Burma oo ku aadan sii wadista falalkan ka dhanka tira-yarta Muslimiinta ah ee ku nool dalkeeda.
Walise ma muuqato xal beerka-u-qabooja Muslimiinta Rohingya oo la gaaray. Balse taasi waa un dadaal iyo dardar loo galo u doodista xaqqooda. Inta laga gaarayase, Muslimiinta Rohingya waxay Muslimiinta kale ee ku nool Shiishaan, Shiinaha, Falastiin iyo Hindiya la wadaagi doonaan raranka iyo rafaadka.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-08-18
You must log in to post a comment.