crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dadka ka xishooda inay jaceylkooda sheegtaan oo loo helay Shirkad ka caawisa! | HimiloNetwork

Dadka ka xishooda inay jaceylkooda sheegtaan oo loo helay Shirkad ka caawisa!

MUQDISHO (HN) — Ku dhiirrashada ah inaad dareenka jaceyl ee laabta lulaya aad u sheegato qofka aad gaclootay ma ahan arrin sahlan. Mana ahan mid saadaal geli karta natiijada ka danbeysa. Dad badanse gidaarka ugu weyn ee wali heysta ma ahan natiijada, waa sida ay ugu sheegan lahaayeen waxa ugu dhibka badan.


Hayeeshe, gudaha Japan waxaa jirta hal shirkad oo lagu magacaabo Kokunavi, haddii aad xishood badan tahay ama aad ka baqayso inaad jaceylkaada sheegato, iyagaa kaaga filan gudbinta farriintaada. Kaliya bixi lacagta adeegga. Kaddibna – iyaga oo adiga ku metelaya – waxay awoodi karaan inay jaceylkaada u gudbiyaan qofka aad u qabto.

Kokuhaku oo micnaheedu yahay ‘qirashada jaceylka’ waxaa loogu dowgalay in dadka xishoodka badan ay ka caawiso sidii ay ku gudbisan lahaayeen dareenkooda jaceylka – iyaga oo aan la kulmin waaya’aragnimo qaraar oo ay ka dhaxlaan.

Kokunavi waxay kuu kiraynaysaa qof kuu gala beddelkaada kuuna gudbiya dareenka jaceyl ee cindigaada culeyska ku haya. Waa sida adigoo saaxiibkaa ku yiri ‘dhanbaal iiga gee heblaayo waayo waan jeclahay waanse ka xishoonayaa inaad u sheegto.’

Marka laga yimaado in qof uu farriintaada kuu gudbiyo, Kokunavi waxay sidoo kale ku siinaysaa tababbaro la xiriira sida loo sheegto ama looga hor qirto jaceylkaada qofka aad gaclootay.

Waxay kugula talinayaan waqtiga, goobta iyo xilliga ugu habboon ee qofka loo sheegan karo jaceylka. Iyaguna si lamid ah ayay kuugu gudbinayaan farriintaada. Lacagta ay shaqadan ku qabtaan kama badna 600$ waxaana jiri kara qiimo dhimis laguu sameeyo haddii dhanbaallada ay kaa gudbinayaan aysan u muuqan kuwii dhigaada u saameeyaa sidii aad jecleyd.

Inta uu socdo tababbarka la xiriira barashada sida loo sheegto jaceylka, waxaad qaadaneysaa koorsooyin ay ku siinayaan madaxda iyo shaqaalaha Kokunavi kaas oo ka kooban shan wareeg. Qeyb kamid ah waa in aad ku baraatikayso sida loo sheegto jaceylkaada shaqaalaha jooga xarunta Kokunavi.

Balse qof kasta ma ahan mid laga aqbali karo. Waxaa adeeggani ka sokeeya shuruudo ay tahay inuu soo maro codsaha.

‘Waan ku faraxsanahay adeeggooda, runtii waan ku guuleystay qirashada jaceylkayga waana kaga mahad-celinayaa sida xirfadeysan oo ay noogu adeegayaan,” ayay tiri gabar 25-jir ah oo dhawaan ka aflaxday Kokunavi.

Haddiise aad qabto cabsi ah in qofka aad farriintaada u dhiibeyso ay kaa jeclaato qofka aad ugu dhiibatay, shirkaddu waxay sheegtay in shaqaalaheeda – lab iyo dhedig – intaba ay kala talinayso inaysan kusii dabcin dhanbaalka marka ay arkaan inay yeelanayso waji kale oo uusan mahdin doonin dhibanaha xishood awgiis sheegan kari waayay dareenkiisa caashaqa.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!