crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bernie Sanders oo qof Muslim ah u magacaabaya Isku-duwihiisa Ol’olaha Doorashada Maraykanka. | HimiloNetwork

Bernie Sanders oo qof Muslim ah u magacaabaya Isku-duwihiisa Ol’olaha Doorashada Maraykanka.

WASHINGTON (HN) — In yar kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxtimada Maraykanka ee sannadka 2021, Senator Bernie Sanders ayaa Faiz Shakir u magacaabay isku-duwaha ol’olihiisa doorashada madaxtinimada America.


Shakir oo kasoo aflaxay Jaamacadda Havard ayaa dhowr shaqooyinka qaran iyo kuwa uu isagu aas-aasayba kasoo qabtay gudaha Maraykanka. Wuxuu mar hormuud u noqday ol’ole looga soo horjeeday naceybka ka-dhan-ka ah Islaamka iyo Muslimiinta.

Sidoo kale, Shakir ayaa ah helaha iyo qoraha ThinkProgress website xilliyada maamulka Bush iyo Obama. Sanders oo ahaa murashaxii ay loolanka kaga guuleysatay Hillary Clinton ayaa kamid noqonaya dadka ugu cadcad ee doorashada soo aadan kasoo muuqan doona.

Maalin Talaado ah, 3 November sannadka 2020-ka ayaa lagu wadaa in la qabto doorashadii 59aad ee madaxtinimada dalka Maraykanka.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!