MUQDISHO (HN) — Mikiile ey ayaa loola cararay isbitaalka kaddib markii eygiisa uu kasoo dul dhacay – kaddibna uu qoorta ka jabiyay.
67-jirkan la yiraahdo Liu wuxuu kusoo laabanayay aqalkiisa oo uu safar dheer uga maqnaa markii wax culus ay dusha uga soo dhaceen. Markaas ayaa u miir-danbeysay wuxuuna naftiisa ku arkay isaga oo ku sugan sariirta isbitaalka.
Isaga oo la hadlaya Sina News, Liu wuxuu sheegay in markii uu soo miyirsaday uu maleynayay in wixii ku dhacay ay ahaayeen gidaar kusoo dumay iyo wax lamid ah. Balse in yar kaddib wuxuu ogaaday inuu kasoo dul dhacay eygiisa – maadaama farxad awgeed uu u riyaaqsanaa aragtidiisa.
Nasiib-darro, eygiisa oo culeys ahaan aad u weynaa ayaa kusoo degay madaxiisa kaas oo ka jabiyay lafta isku heysa luqunta iyo madaxa.
You must log in to post a comment.