HomeLa-yaabkaMagaalo Bandow u galaysa arrin cajiib leh.

Magaalo Bandow u galaysa arrin cajiib leh.

Moscow (HN) — Magaalada yar ee Belushya Guba ee Waqooyiga dalka Ruushka, waxaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah kaddib markii raxan Madax-kutiyo ah ay bilaabeen inay guryaha u galaan dadka degaanka – iyaga oo cunnooyin raadsanaya.

Dadka degan oo tiro ahaan gaaraya 3,000 oo ruux, qaar badan ayaa cabsi la nool oo aan awoodin inay guryaha ka dhex baxaan – iskaba daa inay carruurta u diraan iskuullada. Waayo Madax-kutiyadan ayaa dhex wareegaya gudaha magaalada.

Waxay mararka qaar soo galayaan guryaha lagu nool yahay. In kasta oo nuuca duurjoogtani aysan ku badneyn agagaaraha degmadan, haddana lama yaqaan sababta ay mar qura ugu soo xoomeen Guba.

In ka bada 50 Madax-kuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu arkay gudaha magaalada.


Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments