Yaa iska leh eedda Xoolaheenna ku dayacan Waddooyinka Caasimadda?!

MUQDISHO (HN) – Ku dhawaad toban tallaab marka horay looga sii dhaqaaqo Is-goyska Bakaaraha, waxaa iiga muuqda tiro lo’ ah oo aan qiyaastii ka yareyn 30 neef, kuwaas oo marsha-biyeediga dhexe ee laamiga ku cunaya harharka cunnooyin la nacay oo ay ka heleen haweenka qudaarta ku iibiya labada dhinca ee laamiga.

Waa xilli galab ah. Waxaana waddada ka jira ciriiri aan la saadaalin Karin inta uu ku idlaan doono. Gaari aan sidaas u buuxin oo Caasi ah ayaan ka saaranahay safka dhexe. Maadaama istaagsanaanta gaariga heerkulka ka jira gudihiisa uu kuleyl ka dhigayo, daaqadda dhincayga ka furan waxaa iga soo gaaraysa xoogaa neecaw ah oo ay la socto ur aad u qurmoon oo ka timid bakhtiga mid kamid ah lo’da waddada taagan oo gaari jiiray.

Dadka hareeraha ka taagan waddada – ee isugu jira baayac-mushtarka – deymada inay ugu roonaadaan mooyee, dareen kale kama muujinayaan bakhtiga noolaha halkan ku naf-baxay. Waxay urta qurmoon – ee kolba dabeyshu dhinacyada uga keeneyso – ay sanka ka saaranayaan maryahooda oo kaliya. Yeelkeede, anigu sidii baan kula sugnaa ilaa gaarigu ila dhaqaaqay.

Subaxii xigay markii aan kusoo safray waddada, waxaan ogaaday in bakhtiga lo’dii ku dhimatay halkan isla xalayba laga qaaday laamiga. Hayeeshe, nasiib-darro, lo’dii kale waxay sidii caadiga ahayd ugu jiraan halgankooda maalinlaha – inay dhex joogaan waddada oo ay calafsadaan wixii xoog iyo nasiib ku heli karaan.

Mararka qaar geeridaa u dhaanta nolosha ay ku jiraan. Maalin walba waxay cunaan cunnooyin aan ku habbooneyn hab-dheefshiidka calooshooda. Intooda badan waa weyd ‘caatonimo la golongolay’  calafka aan la iskugu dheelli-tirin ee calooshooda ku dhacaya waxay ka qaadayaan cudurro kala duwan.

Cunista bacda balaastikada waa qeyb kamid ah walxaha xisaab la’aan calooshooda u gala. Inay cunno helaan waxaa uga fudud in bacaha ay ka uriyaan wax duxaya ay calaliyaan – ilaa ay ka liqaan. Geerida ku timaada lo’da ma ahan oo kaliya gaari inuu jiiro. Waxaa kale oo sababi kara qabsin-oodka caloosha oo ka xirma maadaama bacdu ay isku duubayso mindhicirradooda.

In kasta oo baaritaan dhammeystiran aan ku sameynin tirada xoolaha – siiba lo’da taagan kaliya Waddada Wadnaha – haddana qiyaastayda waxay iila muuqdeen boqol inay ku dhawaadaan mararka qaar.

Runtii xaaladda ay ku jiraan xayawaannada dhex taagan waddooyinka caasimadda waa mid aad looga murgo. Waxayna qeyb ahaan muujinaysaa heerka aan ka taagannahay ilbaxnimada nolosha. Mahatma Ghandi ayaa wuxuu leeyahay; ‘weynida qaran walba iyo ummad kasta waxaa lagu gartaa heerka ay ka taagan tahay daryeelka xayawaannadeeda.’

Nolol-xumida heysata xayawaannada caasimadda ku sugan waa middii ugu darneyd oo ay abid wajahaan taniyo markii bulshadeennu la qabsatay nolosha magaaloobidda. Balse marka la fiiriyo halista isticmaalka aan la xaddidin ee bacaha, kuwa ku sugan miyiga fog iyo duleedka magaalooyinka waxay qeyb ahaan wadaagi karnaa dhibaatadeeda.

Hayeeshe, mushkiladda sida gaarka u heysta xoolaha ku dayacan waddooyinka Muqdisho waa iyaga oo aan helin daryeelkii dhabta ahaa oo ay ku lahaayeen dadkii lahaa milkiyadooda, dowladda dhexe iyo saxaafadda oo laga rabay inay cod u noqoto.

Kasokow nadaafad-darrida ay ku hayaan xoolahani waddooyinka, waxaa kale oo jira weerar maalinle ah oo ay ku qaadaan danyarta ku xoogsata hareeraha laamiyada taas oo sidoo kale godob-wadareed u abuuraysa iyaga iyo milkiilayaasha iska leh oo la ii sheegay in – kaliya laba jeer ay ku dhex qaabilaan xoolahooda waddada dhexdeeda. Waana marka ay lo’du kob cidlo ah ku dhasho oo aan gurigooda u dhaweyn iyo marka ay baqtiso.

Wixii ka baxsan labadaas, xoolahani waxay ku aroorayaan maahmaadii Waraabe ee yiri; caayna wax iga tari weysay; orodna laygu gaari waa! Iyaguna waxay hal-ku-dhag ka dhiganayaan; anfacada ul iigu beddel. Waayo waxa oogada nabar ka muuqda markii aad eegto, way iska caddahay inaysan baryo ku helin calafka ay helaan. Sidaas darteed, waa waratada suuqa inay iska qabtaan ama iskaga dhaafaan dhaca ay u geystaan xoolahani. Inta badan waa madhacdo in la iskaga yimaado dhibta xayawaannadani ay ku hayaan danyarta suuqa iyo midda gaarkooda u heysata.

Dowladda hoose ee Xamar waxay tiro dhowr jeer soo saartay go’aanno aan soo dhaafin xafiisyadii looga dhawaaqay. Waxaana jirtay in sannadkii 2016-ka la sameeyey Xarunta Baadiqabad oo xoolaha jidadka maraya iyo kuwa anbadka ah lagu ilaaliyo. Hayeeshe tallaabtaas sidii la rabay looma joogteynin.

In marka dowladdu si dhab ah u dhaqan-geliso awaamiirta la xiriirta xoolaha ku dayacan waddooyinka – iyada oo isla markaana lala dhinac wadayo wacyi-gelin la xiriirta daryeelka iyo xuquuqda xoolaha oo la siinayo milkiilayaasheeda – waxay dhabtii wax ka beddeli kartaa halista sii daba-dheeraanaysa ee ku foolan.

Inaan jawaabtii loo baahnaa halhaleel looga bixin, waxay iyaduna la imaanaysa aafo qaran oo dhinaca caafimaad-darrida ah taas oo laga dhaxli doono isticmaalka manaafacada xoolo aan daryeelkii saxdaa iyo xanaanadii ay xaqa u lahaayeen loo fidinin.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!