LONDON – Qeyb kamid ah Mashruuca Soo Booqo Masjidkayga’ oo ay hoggaaminayaan Muslim Council of Britain (MCB), samafalayaal ka socda England, Wales, Scotland, iyo Northern Ireland ayaa taageeraya ol’ole lagu nadiifinayo waddooyinka caasimadda.
Ol’olaha waxaa iska kaashanaya Keep Britain Tidy.
“Meel walba oo aad kasoo jeedo iyo wax walba oo aad aaminsan tahayba, muhiimaddu waa degaanka lagu ilaaliyo nadiifsanaan,” ayuu yiri Harun Khan.
Tallaabtan ayaa kusoo aadaysa toddobaad kahor inta uusan bilaaban Mashruuca Masjidkayga Soo Booqo oo lagu casuumi doono dhammaan dadyowga aan Muslimiinta ahayn ee ku nool UK.
Hal-ku-dhaga sannadkan ee Mashruuca Soo Booqo Masjidkayga wuxuu noqonayaa Islaamka iyo Degaanka.
Allison Ogden-Newton, oo ah fuliyaha Ol’olaha Keep Britain Tidy ayaa yiri; ‘Sannadkan waxaan hiigsaneynaa raadeynta nus milyan kuwaas oo nagala qeyb qaadan doona Ol’olaha Nadaafadda.
Sannadkii hore, tiro lagu qiyaasay 100,000 oo Jarmal ah ayaa booqday 900 oo Masaajid oo ku kala yaalla dalkaas.
Press Eye – Belfast – Northern Ireland – 7th February 2016 Belfast Islamic Centre on Wellington Park in the south of the city opened its doors to the public along with more than 90 mosques across the UK to “explain their faith beyond the hostile headlin
You must log in to post a comment.