crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hooyo – si uusan uga gaajoon inankeeda oo qabatimay game-ka – cunnada ugu geysa goobtiisa. | HimiloNetwork

Hooyo – si uusan uga gaajoon inankeeda oo qabatimay game-ka – cunnada ugu geysa goobtiisa.

MANILA (HN) — Muuqaal fiidiyow ah oo ku baahay baraha bulshada Filibiin oo hooyo ay maalin walba cuno ugu qaado wiilkeeda 13-jirka ah kaas oo diiday inuu kasoo tago goob lagu ciyaaro fiidiyow game uu dul fadhiyay muddo 48 saacadood ah ayaa noqday midka ugu hadal heynta badan.


37-jirta Lilybeth Marvel oo ah hooyada dhashay Carlito waxay dareentay is-beddelka inankeeda kusoo socda muddo laba sano kahor ah markii uu bilaabay inuu xilli danbe ka yimaado goobaha lagu ciyaaro games-ka.

Xaaladdu waxay kusii soctay xilli uu xittaa maalmo xiga uu ku dhex sugnaado goobtiisa game-ka lagu dheelo oo uusan kasoo tagin. Toddobaadkii hore, si kastaba, caamirada ayaa qabatay Marvel oo cunno u sida wiilkeeda Carlito si uu ugu dhex cuno – isaga oo game-kiisa ciyaaraya maadaama uu diiday inuu yimaado.

Muuqaalkiisa oo ku baahay baraha bulshada ayaa lagu kala aragti duwanaaday. Halka dad badan ay u garaabeen beer-nugeylka hooyadan, in kale ayaa ku tilmaamay ka badbadin koolkoolis ah oo xerada kasii saaraysa nolosha wiilkeeda.

Mar la weydiiyay inay ka waranto xaaladdan, hooyadani waxay sheegtay in – iyada iyo seygeeda ay sameeyeen isku day walba oo looga horjoogsan karo, balse ugu danbeyn waxay go’aansadeen inay xalka ka raadiyaan dhinaca kale. Waxay xittaa ka saareen dugsiga wax-barashada maadaama uu niyaddii loo baahnaa u heyn waayay tacliinta.

Sheekadani ugu kuma ahan qaaradda Asiya. Sannadkii hore, wiil ayaa lugihiisa waxay ku sigteen inay cuuryaamaan kaddib markii lix maalin oo xiriir ah oo dul fadhiyay game-ka.

Arrintani ayaa dalal badan ka noqonaysa mushkilad qaran oo u baahan maareyn dowladeed. Waxaana dowladaha qaar ay hadda ku tala-jiraan in laga joojiyo ciyaarista fiidyow game-ka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!