crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin dharbaaxo indhaha ugu shubay gabar ka diiday inuu habsiiyo! | HimiloNetwork

Nin dharbaaxo indhaha ugu shubay gabar ka diiday inuu habsiiyo!

Muqdisho (Himilonetwork) – Nin habsiiya dadka si farxadaysan oo ku nool New York City, ayaa si xun u weeraray haweeney ka diiday inay habsiiso, marka loo eego waaxda booliska New York.
25-jirka Jermaine Himmelstein wuxuu u baxaa bannaanada Union Square, halkaas oo dadka socotada ugu yeero inay habsiiyaan.
Marka qof uu ka diido habsiinta, Himmelstein wuxuu u ficiltamaa sida xun. Toddobaadkii hore, gabar iyo hooyadeed waxay socdeen fagaaraha Union, markii uu kusoo dhawaaday isaga oo weydiistay inuu habsiiyo.
Markii laga diiday, wuu iska huleelay. Daqiiqado kadib, wuxuu kaga yimid dhinaca danbe isaga oo dharbaaxo wejiga uag dhiftay. Himmelstein kadibna wuxuu iskaga cararay goobta. Ugu danbeyn waa la xiray.
Waxaa lagu qaaday fal-danbiyeed ah ku xad-gudub qof xurriyadiisa iyo gacan-qaad.
Ma ahan markii ugu horreysay oo falkan oo kale uu Himmelstein ku dhaqaaqo. Sanadkii hore, gabar u dhalatay dalka Kanada 00 21-jir ah ayuu sidan oo kale u dharbaaxay markii ay ka diiday inuu habsiiyo.
Haweeneyda oo lagu magacaabo Sophie Violene Dauvois, waxaa lagu soo warramay inuu soo gaaray dhaawac indhaha ah.
Himmelstein waa loo xiray falkan, hayeeshe dacwad-oogayaashu waxay sheegeen inaan lagu qaadi karin danbiga maadaama uu maskax ahaan dhiman yahay.
Waalidkiisu waxay sheegeen inuu qabo cudurka autism-ka.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!