crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dood ku saabsan Xuquuqda Haweenkeenna oo lagu qabtay Jaamacadda Hope. | HimiloNetwork

Dood ku saabsan Xuquuqda Haweenkeenna oo lagu qabtay Jaamacadda Hope.

MUQDISHO (HN) — Dood magac ahaan loogu yeeray ‘Haweenkeennu mahelaan xuquuqdooda mise wax baa ka dhiman?’ ayaa lagu qabtay hoolka Jaamacadda Hope University ee Muqdisho.
Kulliyadda Cilmiga Bulshada iyo Siyaasadda – qeybteeda Maamulka Dadweynaha oo laba dhinac ah ayaa ka qeyb-qaatay doodda.
Marti Sharaf kala duwan oo isugu jira barayaal, arday, aqoon-yahanno Jaamacadaha kale ee magaalada ka yimid ayaa kasoo qeyb-galay doodda.
Qacdii horeba, doodda oo u muuqatay mid si weyn loogu jeel-qabay qabashadeeda, waxaa laba dhinac oo cinwaanka doodda ka kala taagnaa laba aragti ayaa si sababeysan usoo ban-dhigay fikradaha la xiriira doodda.
Mart-geliyaasha doodda oo ahaa semester 7 – qeybta full-time-ka – ayaa ku ayiday doodda in haweenkeennu si buuxda u helaan xuquuqda Alle u jeexay.
Balse qeybta kale aragtidaas kasoo horjeeday – kuwaas oo laga dhowrayay bal inay ifiyaan sida ay u arkayaan xuquuqda ka maqan haweenkeenna – ayaa soo jiitay dareenka ka-qeybgalayaasha.
Haddaba waa tan nuxurka qoraalkii ay kasoo saareen dooddii ku saabsaneyd ‘Haweenkeennu xuquuqdooda mahelaan mise wax baa ka maqan?’
              Maadaama haweenkeennu yihiin laf dhabarta nolosheenna iyo kuwa xaqiijiya guulaha dadnimadeenna iyo hiigsiga dowladnimadeenna, waa muhiim inaan dib u fiirino sida loo duudsiin jiray xuquuqaadkooda si manta wixii manta ka danbeeya aan u dhisno bulsho si midaysan u ilaalisa heybada iyo sharafta haweenkeenna iyaga oo taas ku xoojinaya hubsashada in xaq walba oo alle jideeyey ay dhib yaraan.
Dulmiga ka dhanka ah xuquuqdooda waa kuwa ugu waaweyn ee ilaa maanta taagan kuwaas oo halis geeri ku dhamaata marar ku keenta nolosha haween badan. Kufsiga. jirdillada, guurka-qasabka ah iyo u diidista inay wax-barato waa mushaakiladaha ilaa maanta muuqda ee haween badan ku ah nabar ku taagan laabtooda.
Balse haween kale ayaa ku raaxaysta fursadaha aasaasiga u ah nolosha qofka Aadanaha oo waliba awooday inay doorkooda ku muujiyaan dhalinta iyo abuurista saameyn iyo wax-qabadka gaara qeybaha kala duwan ee bulshooyinka ay kamidka yihiin.
Haweenka Soomaaliyeed waxay isugu jiraan kuwa la kulma dhibaatooyinka qaar iyo kuwa ku raaxaysta fursadaha aasaasiga ah. Doorkooduna wuxuu taniyo muddaba ahaa mid muuqda siiba sanadihii burburka oo dhexda u xirteen daryeelka iyo buuxinta kaalintii kaga aadaneyd qoysaskooda.
Waxay si aan la xusin u yihiin sirta qarsoon ee ku guuleystay soo saarista jiilasha maanta jaamiciyiinta ee ku dhashay xilli kala carar iyo fawdo ah. Hubaashiina, gef ma ahan in la yiraahdo waa iyaga oo kaliya kuwa badbaado u noqday qoysaskii Soomaaliyeed ee kala baqa ku kala irdhoobay.
Walina waa kuwo aan ka daaleyn – inta karaankooda ah – inay ku garab istaagaan kuwa aan codka laheyn iyo kuwo aan maanta helin ayaan nabadeed.
Balse dooddeennu manta ee ah haweenkeennu mahelaan xuquuqdooda, lama xiriirto in diin ahaan looga hadlayo. Waa caadyaal in diinteennu 1400 oo sano kahor ay xaqooda siisay haweenka Muslimiinta ah. Balse mar walba waxaa su’aali ka taagneyd haddii xuquuqaadkaas alle u jideeyey loo siin jiray si waafaqsan shareecada Islaamka.
Maantana waa maalin kale oo aan iskaga nimid inaan isla eegno haddii xuquuqaadkaas ay wali si muuqda uga la’yihiin ina rageedka ay dhaleen, u dhaxeen, lana dhasheen.
Waa maalin kale oo qurux badan oo rajo u iftiiminaya ku baraaruga iyo qiimeynta xaqqa ay nagu leeyihiin haweenkeenna kuwaas oo inta badan aan helin madal iyo waqti lagu falan-qeeyo.
Waxaana filaynaa in dooddani abuuri doonto fikir iyo tala-wadaag habboon oo sal-dhig u noqda garashada saxda iyo waajibaadka diiniga oo haweenkeenna loo duudsiiyay dhaqan ahaan.
Gabagabadiii doodda ayaa kusoo dhammaatay qaab is faham iyo ra’yi kala qaadasho ku qotonta.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!