crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Siyaasi Hollandese ah oo aad u necbaa Islaamka oo Islaamay! | HimiloNetwork

Siyaasi Hollandese ah oo aad u necbaa Islaamka oo Islaamay!

MUQDISHO (HN) – Siyaasiga Xisbiga Midigta Fog ee Holland – kaas oo mar Islaamka ku tilmaamay been abuur; Qur’ankana ku sheegay sun – ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka.
Joram van Klaveren, oo 39 jir ah, xalay fiidkii soo dhigay bartiisa inuu yahay qof Muslim ah.
Xilli uu qorayay buug ka hadlaya Islaamka, Klaveren wuxuu sheegay in aragtidii uu ka heystay diinta uu wax badan iska bedelay kahor inta uusan bishii Oct sannadkii hore qaadanin Islaamka, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.
Sannadihii 2010-14, Van Klaveren wuxuu kamid ahaa mudanayaasha barlamaanka iyo xubin kamid ah Xisbiga anti-Islam ‘Freedom Party’ (PVV).
Wuxuuna iska casilay jagadiisa markii Geert Wilders oo ah guddoomiyaha Xisbiga uu ereyo naceyb ah ka yiri Muslimiin Morokaan ah.
Van Klaveren wuxuu kusii socday inuu sameysto xisbigiisa gaarka ah, balse kuma guuleysan doorashooyinkii dhacay sannadkii 2017-ka.
Waxayna tani ku kaliftay inuu iskaga haro siyaasadda.
Van door oo sidoo kale kamid ahaa Xisbigan balse kol hore qaatay diinta Islaamka ayaa sheegay inuusan marnaba fileyn inuu arkayo xubno badan oo Xisbigan kamid ah inay islaami doonaan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!