crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xaafadaha Qaar oo in laga guuro halis ugu jira! — Aaway Maamulka Gobalka?! | HimiloNetwork

Xaafadaha Qaar oo in laga guuro halis ugu jira! — Aaway Maamulka Gobalka?!

MUQDISHO (HN) — Ma ahan webi dhex maraya xaafadaha. Mana ahan halkan meel aalaaba looga maarmi karo ama loogu tala-galay inay biyuhu fariistaan. Waa jid muhiim ah oo halbowle u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha caasimadda Muqdisho ku nool.

Waddadan saaka uma xirmin inay wufuud caalamiga ah mari doonto. Waxaa isku socodkeeda hakiyay roobkii xalay ka da’ay caasimadda Muqdisho kaas oo aan kaliya ku qasbin gaadiidleyda inay ka joogsadaan maritaankeeda balse dadka deegaanka u diiday meel isku soo maraan.

Toddobaadkan oo dhan waddadan waxay ahayd mid mashquul badan, laga bilaabo waaberiga iyo habeenkii. Waqti badan ayaa rakaabka ku socdaala gaadiidka dadweynaha uga bixi jiray gudbitaankeeda. Ciriirigaas aan yareyn wuxuu qaadan jiray mararka qaar laba saac ka badan in looga baxo.

Dadkuna ugu yaraan kama xumeyn inay weli u furan tahay inay adeegsan karaan.

Balse saaka wax dhaqdhaqaaq kama jiro gebi ahaanteeda. Dadweynaha ayaa si kastaba iskood isku maaraynaya, waxayna karaankooda dhex qaadayaan jidadka xaafadaha kuwaas oo iyaguna biyuhu fariisteen.

Jidadka qaar oo biya-dageen noqday maadaama ay adag tahay in sahal looga gudbo, shub adag, dhagaxyo waaweyn iyo tiirar ayaa la dhex dhigaa si loo kor maro.

Magaalada Muqdisho shacabku ma-waayaan inta badan si ay isku xaliyaan marwalba oo dhibaato ku timaado. Laakiin mushkiladaha qaar waa cuuryaamin nololeed oo dad badan oo barayaal, arday, xirfadlayaal iyo xoogsato ka kooban ka horjoogsata inay gaari waayaan danahooda.

Muuqaalkani wuxuu dhabtii ceeb iyo weji-gabax ku yahay maamulka gobalka Banaadir oo gebi ahaantiisba ku fashilmay inuu xal waara u helo dhibaatada joogtada ah ee waddadan dheer ee Danwadaagaha ka taagan.

La-yaabna malahan inuu xaalku sidaan sii ahaado maalin  iyo ka badan iyada oo aan tallaab degdeg ah laga sameynin xalinteeda.

Marwalba oo la gaaro xilli roobaadyada, magaalada Muqdisho oo awalba la daalaa-dhacaysa ciriiri joogto ah oo ka jira laamiyadeeda, waxaa dhib kale oo hor leh kusii noqda biyaha fariista waddooyinka waaweyn iyo jidadka xaafadaha.

Maamulka gobalkana, wuxuu maalin walba gaadiidleyda kaga hubiyaa waraaqaha bixinta canshuuraha isla waddooyinkan aad u jeedaan oo meel laga maro aan lahayn.

Waa fashil iyo foolxumo inaan loo diyaargaroobin xalka dhibaatadan. Waana mas’uuliyad darro iyo isxil-qaamid la’aan inaan marnaba dhib loo arkin rafaadka shacabka ku dhex heysta waddooyinka caasimadda.

Waa maxay ujeeddada ka weyn qaadista canshuuraha haddii aan dadkeeda waxba loogu qabaneynin? Dowladda hoose ee Xamar waxaa u furan labo doorasho oo kala ah; inay gebi ahaanba joojiso canshuuraha xad-dhaafka ah oo ay shacabka ka urursato ama ay waxqabad muuqda oo la-taaban karo ugu qabtaan dadkeeda.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!