crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kooxda QPR oo Salliyo ay ku tukadaan siinaysa Cayaartoyda iyo Taageerayaasha Naadiga. | HimiloNetwork

Kooxda QPR oo Salliyo ay ku tukadaan siinaysa Cayaartoyda iyo Taageerayaasha Naadiga.

MUQDISHO (HN) — Kooxda Queen Park Rangers ayaa lagu bogaadiyay tallaab wax ku-ool-ah oo ay u sameysay taageerayaasheeda iyo cayaartoyda naadiga kaddib markii ay ugu deeqday salliyo ay ku dukadaan salaadaha xilliyada Salaadaha qaar ay joogaan garoonka.

“QPR waxay hoggaamisay mar kale aragtida ah muhiimadda kala duwanaanshiyaha iyo in dadka loo fududeeyo hababka ugu sahlan oo ay waajibkooda diiniga ah ku gudan karaan – iyaga oo isla mar ahaantaana shaqooyinkooda iyo madadaaladooda ku jira,” ayuu yiri Ebadur Rahman

“Hadda marwalba oo ay salaaddu soo dhawaato kama warwarayaan halka ay ku dukanayaan; waayo salligooda ayay fidsanayaan,” ayuu sii raaciyay.

“Waxaan rumeysanahay in tallaabooyinkan oo kale ay abuuri karaan deegaan loo siman yahay iyo horumar gunta hoose ka xididaysta oo xooggan.”

Kooxda Blackburn ayaa bishii tagtay daba-yaaqadeeda sameysay mowlac yar oo ay salaadaha ku oogi karaan cayaartoyda iyo taageerayaasha Muslimiinta ah ee ku sugan garoonka. Waxaa loo dhammeystiray codbaahiye iyo mu’addin salaadaha ka bixiya.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!