HomeDunida MuslimkaGabar - Dhaqan-wanaaga Saaxiibteed oo Muslimad ah awgeed - Islaamka ku qaadatay!

Gabar – Dhaqan-wanaaga Saaxiibteed oo Muslimad ah awgeed – Islaamka ku qaadatay!

MUQDISHO (HN) — Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo dalxiis ku joogtay TekirdaÄŸ, waqooyiga Turkiga ayaa qaadatay diinta Islaamka kaddib markii ay la dhacday hab dhaqanka saaxiibteed oo Muslimad ah.

Intii lagu guda-jiray joogitaankeeda Turkiga, Elodle Moreno, oo 24 jir ah, waxay bilowday inay baaritaan ku sameyso barashada Islaamka, in yar kadibna waxay ku dhawaaqday kelmadda Tawxiidka.

Elodle ayaa markii loo qabtay shahaadada kaddib waxay qaadatay magaca Sibel.

Diinta Islaamka waa midda ugu faafidda badan adduunka. Waxaana sannad kasta kusoo biira kumaankun dad ah oo ku kala nool dunida dacalladeeda.

Dalka Faransiiska waxaa ku nool Muslimiinta ugu badan qaaradda Yurub.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments