crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Deeqaha Gargaarka iyo Ganacsiga Suuqa Madow. | HimiloNetwork

Deeqaha Gargaarka iyo Ganacsiga Suuqa Madow.

MUQDISHO (HN) — Xaalad adag oo bani-aadnimo ah ayay wajahayaan barakacayaasha idin muuqda. Shanti bilood ee lasoo dhaafay ayay badigood usoo hayaameen Muqdisho iyaga oo raadinaya hunguri iyo wax ay cunaan.

Maalin walba waxaa kaamamka yimaada tiro hor leh oo kuwii kasoo horreeyey halkan kula suga kaalmada iyo gargaar uga yimaada hey’adaha deeqda bixiya iyo dowladda Soomaaliya.

Qaar badan waxaa nugleeyey silicii iyo rafaadkii ay kala soo kulmeen safarkooda. Intooda badan waa haween carruur ay nuujiyaan xambaarsan – iyo kuwa kale oo macluusha iyo gaajadu tabardaraysay.

Halkan markii ay imaanayeen waxay filayeen in gurmad iyo kaalmo bani-aadnimo ay heli doonaan. Laakiin ilaa iyo hadda, ma helin wax gargaar ah.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay meelaha abaaruhu ku dhifteen ee dalka kamid ah gaarsiin doonto gurmadka iyo deeqaha caalamiga ee lagu taakuleynayo dadka abaaraha kasoo cararay.

Deeqdii ugu horreeyey ee ka timaada dalka Imaaraadka Carabta ee loogu tala-galay in la gaarsiiyana lama yaqaan meel ay martay.

Barakacayaashan wax u yimid ama ay heleen majirto. Raashiinkii loogu tala-galay in lagu kaalmeeyana, waxaa wararka qaar tibaaxayaan in lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada Muqdisho.

Subax walbana, qoysaska danyarta iyo ilmahoodu waxay lasoo kacaan baahi daran. Maalintii oo dhan mar kaliya ayay wax cunaan intooda badan. Roobabka ka da’aya caasimadda ma heystaan gabaad fiican oo ay kaga okortaan.

Cudurro ka dhasha nafaqo darrida iyo xanuuno qabowga ba’an ee jira magaalada la socda sida burukiito iyo duumada ama Kaneecada ayaa laga diiwaangelinayaa gudaha kaamamka.

Nolosha kaamamka waa mid quus iyo caalwaa u dhaxaysa. Midkood qoysas halkan yimid majirto dowlad gacan ku lahayd kasoo daadgureynta deegaannadoodii ay abaartu ku dhifatay. Iyaga ayaa – lug iyo gaadiid – tabtii ay kusoo gaari lahaayeen Xamar isku keenay.

Sheekooyinka qaarkood ee wixii ka qabsaday safarkooda waa uurkutaallo iyo mahadho. Laakiin, karaankooda iyaga oo qaddarka ku niyadsan, iyagaa doortay labo daran – in tan u fudud oo ah; inay hayaamaan go’aansaday.

Waxaase aad u kala fog harjadka ka muuqda iyo howlyarida jirta oo aan xaggooda wax tallaab ah loogu qaadin ilaa hadda.

Intooda badan waxay arkaan raashiinka ay xaqqa u lahaayeen mar kaliya; waana kolka ay u dawarsi iyo tuugsi tagaan magaalada.

Balse ma ahan wax cusub in gargaar loogu tala-galay abaaraha si muuqata suuqyada caasimadda loogu kala iibsado maalin cad. Waxaana abaare walba oo dhacda ku tanaada shaqsiyaad mas’uuliyiin dowladeed ah kuwaas oo ka macaasha ka ganacsiga deeqaha masaakiinta loogu tala-galay kuwaas oo daar qurxoon kaga dhista gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Waxa kaliya oo shacabku ka baran doonaan abaarta jirta waa magaca maalmaati qabeenno kale oo hor leh oo kusii biira liiskii hortood ku xaaraan-ku-naaxay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!