Muqdisho (Himilonews) – Xukuumadda cusub ee Kanada ayaa fileysa inay sanadka cusub qaabisho tiro qaxooti Siiriyaan ah oo ku dhow 50,000 o barakacayaal ah, sida laga soo xigtay wasiirka socdaalka John McCallum. John McCallum wuxuu sheegay inay tiradani ka dhigan tahay tii ugu badneyd ee ay abid qaabilaan taniyo 1979–markaas oo tira qaxooti indha-yar ah oo gaaraya 60,000 ay magan-galyo siiyeen. ...
Read More »Wararka
Haween loo xiray faafinta cudurka AIDS-ka
Nairobi (Himilonews) – Raaf lagu sameeyey tira haween gaaraya 300 oo ah kuwo jirkooda ka ganacsada ayaa xabsiga loogu taxaabay. Haweenkan ayaa looga shakiyay inay faafinayeen feyruska cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka. Intaan loo gudbin maxkamadda ayaa qaarkood waxaa la mariyay tijaabo caafimaad–halkaas oo kuwa laga helay loo diray gaal-shiraha weyn–halka kuwa laga waayay feyruskana lasii daayay. Patrick Lumumba oo ...
Read More »Markuu qofku dhoolla-caddeeyo!
Muqdisho (HN) – Maxaa kaaga lumaya haddii aad dhoolaa-caddeyso?! Ku biir maantaba inta dhaqankooda ku daray in dhoollaha caddeeyaan. Dhoolla-caddeyntu ma ahan in ilkahaagu cad yihiin. Waa in qalbigaadu cad yahay; ka maran yahay cuqdad, caloolyow iyo ciil. Inaad dhoolla-caddeysaa waxay ku bartaa dadka. Dadkuna waxay kugu bartaan dhoolla-caddeynta. Ku iibso farxadda qofka. Ku qabso dareenka qofka. Kaliya dhoolla-caddeynta badi. ...
Read More »Dowladda Kenya oo cabsi ka muujinaysa dhismaha ugu dheer Nairobi
Muqdisho (Himilonews) – Ururka Cofek ayaa kasoo horjeeda dhismaha dabaqa ah 47-ka biyaano ee xarunta Afrikada Caalamiga ah ee Avic taas oo lagu sifeynayo inay liddi ku tahay sugidda nabad-galyada. Xog-hayaha Cofek Stephen Mutoro ayaa sheegay in koru-qaadista dabaqa Avic uu carqalad ku yahay nabad-galyada xarunta Madaxtooyada Qaranka Kenya ee State House. “Dhismaha noqonaya midka ugu dheer Kenya wuxuu halis nabad-galyo ...
Read More »Midabyo-badanta Ceelasha: Birmad iyo Bogsad
Muqdisho (Himilonews) – Sodon sano kahor halkani waxay aheyd mid kamid ah wakaalada biyaha ee qaabilsanaa soo saarista biyo-nadiif ah. Waxaa ka qodnaan jiray ceelal ku dhow 35-riig kuwaas oo dhuumanka looga qaado biyaha gaarsiin jiray magaalada Muqdisho. Waxay fogaan ku dhow 13-km waqooyi-galbeed ka xigtaa Xamar. Hadda, waa kob la ciirciiraysa tira badan oo bulsho Soomaaliyeed ah. Waxaa ka ...
Read More »Daawo sawirrada; Xiisaha iyo Xashaashka Xeebta LIIDO
Muqdisho – Is-goyska KM Zero fogaan dhanka waqooyi bari ka xigta waxaa ku taalla xeebta Liido ee degmada Abdil-aziz. Waxaana saacad kasta ku socdaala boqollaal dhalinta caasimadda ah oo kusii jeeda xeebta. Durdurka dhalinta xeebta timaadda awgeed, waxaa jira gaadiid shacab oo si gaar ah usoo aada dhankeeda. Qof kasta oo halkan yimaada wuxuu ku qaata waqti dheer kahor intaanu ...
Read More »3-December: Maalinta Naafada Adduunka iyo Soomaalida
Muqdisho (Himilonews) – QM ayaa maanta oo kale u aqoonsatay MAALINTA DADKA NAAFADA ah ee dunida ku nool 3- December sanad kasta. Munaasabadda ayaa inta badan lagu falan-qeeyaa dhibaatooyinka ay la kulmaan qeybaha naafada ah ee bulshada; sida loo xanaaneyn iyo daryeeli karo. Naafada Soomaaliyeed oo kamid ah naafaleyda ku nool dunida, ma helaan xaqqii dhameyska tirnaa ee ay heli ...
Read More »Aqalka Cad oo diiday in la xiro xabsiga Guantanamo Bay
Muqdisho – Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa iska diiday qorshaha qarashka badan ku kacaya ee xirista Gaal-shiraha Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba sida ay so xigatay Wall Street Journal. Maamulka madaxweyne Obama ayaa xirista Guantanamo Bay ku tilmaamay mid aan sahlaneyn. “Xirista Guantanamo Bay iyada oo mid kale laga furayo Maraykanka waxay ku kici kartaa aduun lacageed gaaraya 600 oo ...
Read More »Abaaro ku dhuftay Somaliland
Muqdisho – Gobollada waaweyn ee Somaliland, oo ah Jamhuuriyad is-magacawday taas oo ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1992-kii balse aan wali helin aqoonsi rasmi ah, waxaa ka jira abaaro kuwii ugu xumaa ee soo mara 20-kii sano ee ugu danbeeyey. Tiiyoo gabaabsi dhanka roobabka ah ay sanadihii danbe wajahayeen, kumaankun oo dadka xeebaha Awdal iyo Galbeed daga oo xoolo-dhaqato ...
Read More »Dhaqaalaha Japan oo u baahan dhalista caruur badan
Muqdisho (Himilonews) – Jabaan ayaa qorsheyneysa tallaabo ay kor ugu qaadeyso tirada heerka dhalasho–iyada taas ku xoojinaysa inay bilowdo daryeel bilaash ah oo ilmo-dhalista ah iyo canshuur dhimis–si ay uga hor-tagto inaanay tira-yaridu carqladeyn kobaca dhaqaale ee dalka dhaca bariga fog ee Aasiya. Dadyowga Japan ayaa hoos isu-dhimayey 4-tii sano ee ugu danbeysay kadib sanado badan oo digniino ah oo ...
Read More »