Midabyo-badanta Ceelasha: Birmad iyo Bogsad
Posted by: Zakariya
in Wararka
December 4, 2015
1,613 Views
Muqdisho (Himilonews) – Sodon sano kahor halkani waxay aheyd mid kamid ah wakaalada biyaha ee qaabilsanaa soo saarista biyo-nadiif ah. Waxaa ka qodnaan jiray ceelal ku dhow 35-riig kuwaas oo dhuumanka looga qaado biyaha gaarsiin jiray magaalada Muqdisho. Waxay fogaan ku dhow 13-km waqooyi-galbeed ka xigtaa Xamar.
Hadda, waa kob la ciirciiraysa tira badan oo bulsho Soomaaliyeed ah. Waxaa ka jirta nolol la bidhaameysa hana-qaadka casriga ah. Daxallada iyo duugga aragti ee ka muuqda ceelasha dabaadiga ah waa raadka qura ee kusii idlaada indhaha qofkii soo booqda. Waxaana rogaalkeeda badalay dhismayaal cusub; goob iyo guri.
Tani waa mid kamid ah goobihii birmadka u noqday barakacayaal badan oo kasoo cararay dagaalkii Itoobiyaanka iyo gumaadkii Fooriyaha ee ka dhacay Muqdisho. Mana ahan meel ka dheer caasimadda Soomaaliya. Waa Ceelasha Biyaha!!
Si aad ayay degmadani u laba-lixaadsatay. Kobaca dadka iyo kororka kaabayaasha nolosha waa kuwo si isla’eg isugu dheelli-tiran. Ganacsi fadhiya oo lagu xoojiyay badeeco aan hakad-gelin iyo kaalmaha xarumo wax-barasho oo ilaa heer jaamacadeed gaarsiisan ayaa ka jira gudaheeda.
Suuqyo waaweyn oo muddo kahor loo dhisay rogaalka kuwo Muqdisho sida Bakaaro2 iyo Safa iyo Marwa ayaa ka furan kuwaas oo nageeya fursadaha kala duwan ee adeegyada gunta ah ee bulshada.
In-kasta oo dugsiyadii waaweynaa ay dib-ugu laabmeen xarumahoodii koobaad, hadana laamaha qaar ee dugsiyada waaweyn ee magaalada Muqdisho sida Hoyga Hamar, Macmuur, i.w.m ayaa wali ka furan. Halka faya-dhowrada caafimaadka uu heer fiican ku taagan yahay.
Juqraafi ahaan barta ay ku taallo oo ah kob fududeysa is-dhexgalka nololeed ee deegaanka iyo dadka – taas oo lagu xejiyay isu-socodka gaadiid ee bulshada ayaa ka dhigtay magaalo dhan kasta ku fiican in loogu maalmado, sida lagu sheegay sahan lagu sameeyey tira-koobka dadyowga ku nool hareeraha caasimadda Muqdisho.
Ceelasha ayaa qaabishay daganayaal badan taniyo 2005-tii. Jeer iyo waagaasna, waxay ku socotay inay noqoto meelaha ugu tirada badan ee halhaleel lagu dago sanado kooban gudahood. Intii u dhaxeysay 2007-2011, qeyb dhan oo bulshada caasimadda ah ayaa deegaan ka dhigtay. Hayeeshe, tiiradaas ayaa nusqaantay 50% markii ay dowladdu ay Muqdisho kala wareegtay Ururka Islaamiga ah ee al-Shabaab kadib san-saan dagaaleed oo kusoo beegmay hareeraheeda.
Hadda wali muuqaalkii lagu yiqiin ayaa jaaheeda ka birbira. Intii ku hartay gudaheeda, waxaa kusoo korortay horin barakacayaal ah oo kasoo qaxay gobollada Shabeellooyinka. Waxaa kale oo si la xusi karo dib ugu soo laabanaya dadkii asal ahaan caasimadda uga baxsaday kuwaas oo—muddo ay la qabsadeen nolosha ballaaran ee barka caasimadda; Ceelasha Biyaaha—nafta siin waayey inay habeen ka dib-jiraan dhexdeeda.
Amniga—oo ah siyaalaha joogteeya daganida—ayaa sidoo kale ah mid sugan. Dadka deegaanka ayaa isku socda illaa habeen-barka. Taas oo muujisa in nabad-galyada dhexdeeda ay tahay mid la isku halleyn karo.
Dal dadkiisu xoogga saaraan sugidda kaabayaasha nolosha, Ceelasha Biyaha oo kale, waa tusaale kamid ah bar-tilmaameedka ay tiigsadaan.
Si kastaba, Ceelasha Biyaha ayaa astaan u ah sida loo abuuri karo nolol la barbar-dhigmi karta midda caasimadeed xittaa haddii ay deriskaada tahay. Balse inta aanay jirin degmo muujisa inay yeelato muunada magaale-nimo, Ceelasha waxay ahaan doontaa tusaalaha qura ee lagala baxo if-u-soo baxa cusub caasimadaha dalka.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-04
You must log in to post a comment.