crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Arrin Argagax leh oo ka dhacday Ceelasha Biyaha | HimiloNetwork

Arrin Argagax leh oo ka dhacday Ceelasha Biyaha

Muqdisho (Himilonews) – gabar dhigata jaamacad oo aan la heyb-sheegin ayaa ku dhimatay isbitaalka kadib markii laga soo xaaqay ilmo uurkeeda ku jiray.
Sida  ay noo tilmaameen dadka deegaanka, gabadhan ayaa wiil ay saaxiibo yihiin oo Qudbo-siro ku guursaday waxay u qaaday uurka. Wiilka ayaa sida la tilmaamay wuxuu u sheegay saaxiibtiis inuu caqabad kala kulmi doono waalidkiisa. Sidaas darteed ay habboon tahay inay ilmaha iska soo xaaqdo.
Markii ay gaareen isbitaalka ayaa gabadha–kadib ilma-xaaqis “Abortion” lagu sameeyey, waxay sababtay inay wax yar kadib geeriyooto.
Waalidka dhalay gabadha oo–markii ay maqleen inay gabadhoodu ku jirto isbitaalka–si halhaleel ah usoo gaaray goobta ayaa ugu yimid meydka inantooda.
Kiiskani ma ahan midka kaliya ee ilaa hadda laga soo tebiyay degmada Ceelasha Biyaha.
Dhawaan ayay aheyd markii gabar la tilmaamay inay Qudbo-siro ku dhashay canug la arkay isaga oo gowracan.
Si kastaba, lama oga sida ay ka yeeli doonaan wax-garadka iyo culimada deegaanka xaaladahan argagaxa leh ee lagu arkay duleedka caasimadda Muqdisho.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himionews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!