crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dowladda Kenya oo cabsi ka muujinaysa dhismaha ugu dheer Nairobi | HimiloNetwork

Dowladda Kenya oo cabsi ka muujinaysa dhismaha ugu dheer Nairobi

Muqdisho (Himilonews) – Ururka Cofek ayaa kasoo horjeeda dhismaha dabaqa ah 47-ka biyaano ee xarunta Afrikada Caalamiga ah ee Avic taas oo lagu sifeynayo inay liddi ku tahay sugidda nabad-galyada.
Xog-hayaha Cofek Stephen Mutoro ayaa sheegay in koru-qaadista dabaqa Avic uu carqalad ku yahay nabad-galyada xarunta Madaxtooyada Qaranka Kenya ee State House.
“Dhismaha noqonaya midka ugu dheer Kenya wuxuu halis nabad-galyo ku yahay xarumaha dowladda. Mana suura-galayso inay wax inoo dahsoonaadaan inta ay naga dheer yihiin,” ayuu yiri Mutoro.
Cofek ayaa kol hore waxay amar-maxkamadeed ku xoojisay in la dhimo dhismaha taas oo fadeexo ku ah laamaha amniga ee magaalada.
Kenya ayaa wajahaysa dagaal gudaha ah oo ay kusoo qaadayaan Ururka al-Shabaab ee Soomaaliya.
Tallaabooyinkani waxay u muuqdaan, sida kuwo badani qabaan, inay yareyn karto sugidda amniga ee Madaxtooyada iyo xarumaha kale ee dowladda.
Sep 2013, ayay aheyd markii dagaal-yahanno kamid ah Ururka al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall taas oo sababtay dhimashada in-ka-badan 60 qofood.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!