Markuu qofku dhoolla-caddeeyo!
Posted by: Zakariya
in Wararka
December 5, 2015
312 Views
Muqdisho (HN) – Maxaa kaaga lumaya haddii aad dhoolaa-caddeyso?! Ku biir maantaba inta dhaqankooda ku daray in dhoollaha caddeeyaan.
Dhoolla-caddeyntu ma ahan in ilkahaagu cad yihiin. Waa in qalbigaadu cad yahay; ka maran yahay cuqdad, caloolyow iyo ciil.
Inaad dhoolla-caddeysaa waxay ku bartaa dadka. Dadkuna waxay kugu bartaan dhoolla-caddeynta.
Ku iibso farxadda qofka. Ku qabso dareenka qofka. Kaliya dhoolla-caddeynta badi. Kuna dadaal Qalbi-samaanta. Ha oggolaan sadaqo fudud oo ajarkeedu badan yahay inay kugu dhaafto si dhib yar.
Inaad walaalkaada u dhoolla-caddeysaa waa abaal aan kaaga baahneyn howl-adag.
Kaliya u kala qaad dibnahaaga!!
Isha: Himilonetwork.com
Nagala soo xiriir: Info@himilonetwork.com.
Related
2015-12-05
You must log in to post a comment.