Haween loo xiray faafinta cudurka AIDS-ka

Nairobi (Himilonews) – Raaf lagu sameeyey tira haween gaaraya 300 oo ah kuwo jirkooda ka ganacsada ayaa xabsiga loogu taxaabay.
Haweenkan ayaa looga shakiyay inay faafinayeen feyruska cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka. Intaan loo gudbin maxkamadda ayaa qaarkood waxaa la mariyay tijaabo caafimaad–halkaas oo kuwa laga helay loo diray gaal-shiraha weyn–halka kuwa laga waayay feyruskana lasii daayay.
Patrick Lumumba oo ah sarkaalka hogaaminayay raafka lagu soo qabqabtay tirada haweenkan gaaraya 300 ayaa wuxuu yiri: “Waa nasiib darro in gabdho ka yar 15-sano ay ku jiraan liiska haweenkan. Waxaynu lumineynaa jiil dhan oo soo koraya sababtan awgeed.”
F.G. Sawirka kuu muuqda kama dhigna muuqaalka warbixintan.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!