crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Putin oo yiri; “Alle wuxuu doonay in madaxda Turkiga aan ciqaabno” | HimiloNetwork

Putin oo yiri; “Alle wuxuu doonay in madaxda Turkiga aan ciqaabno”

Muqdisho (Himilonews) – Isaga oo kahor hadlayay xubnaha ugu awoodda badan Ruushka, madax-weyne Putin wuxuu sii qaraareeyey xiisadda ka dhex aloosan Moscow iyo Ankara.
“Ilaahay wuxuu go’aansaday inaan gacmaheenna ku ciqaabno dowladda Turkiga inaga oo ka gacan-maroogsaneysa sabab badan oo xubnaheeda ah,” ayuu yiri Putin.
Isaga oo kahor hadlaya Shirka Sanadlaha ee Ruushka, wuxuu tilmaamay in Turkigu wajaho ciqaab-ruuxi ah oo ku aadan falka ku qotoma asal-raacnimadiisa xagjirnimo oo ay tahay wax aan laga raalli noqon–taas oo mudan in dunida Muslimku ay ku colaadiso Turkiga.
Qeyb kamid ah hadalkiisa, Putin ayaa hubsaday inay habboon tahay in la ogaado in bartilmaantiisu uusan ku qotomin dadka wanaagsan ee Turkiga balse ay ku foorarto lakabyada ugu sarreeya dowladda Turkiga.
Hadalkiisa ayaa daba-socda toddobaayo muran iyo is-maan-dhaaf dusha ku sita–kuwaas oo xitaa dhoolla-tus iyo bowda-qaawis gaaray–oo ka dhashay kadib markii Turkigu uu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay taas oo duqeyn ka geysaneysay gudaha Suuriya.
Xukuumadda Turkiga ayaa kol hore ku sheegtay arin lala murugoodo wixii dhacay. Balse ay tani ka dhigneyn inay ku raalli-galinayaan Ruusha xaq, sida ay tilmaameen, ay u leeyihiin inay soohdintooda difaacdaan.
Ish: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!