Naag iyada cabsan ninkeeda oo cabsan mindi ku dishay!
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
December 5, 2015
992 Views
Muqdisho (Himilonews) – Haweeney loo heysto dilka seygeeda, ayaa maxkamadda kahor sheegtay inay qamri la cabtay seygeeda in-yar kadib intaanu dhiman.
Agnes Mutheu oo jirta da’da 20-jirka waxay taniyo 2013-ka ku jirtay gacan-ku-heys “Custody” kolkii lagu soo eedeeyey inay toorrey ku dishay seygeeda Anthony Hanjari.
Mutheu ayaa ku marmarsootay inay aheyd waqti gudcur ah xilligii ay toorreyda iskaga caabinaysay seygeeda–kaas oo ay tilmaantay inuu rabsho kula soo dhaqaaqay qolkii ay ku jireen.
“Dhab ayaan u jeclaa seygeyga. Mana jecleyn inuu iga dhinto. Mana u qaadin inaan naftiisa dhaafiyo,” ayay tiri Agnes Mutheu.
Kiiska ayaa la filayaa inaa lasoo af-meero bisha December 10-keeda.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-05
You must log in to post a comment.