crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxay ka dhigan tahay Muslim-ku-noqoshada Ruushka?! | HimiloNetwork

Maxay ka dhigan tahay Muslim-ku-noqoshada Ruushka?!

Muqdisho (Himilonews) – Kolkii Zeinab Nesterova iyo seygeeda ay u ban baxeen inay kusoo dalxiisaan Aasiya, waxay lasoo laabatay wax ka weyn tan, sawirro iyo bir-lab firinjiyeer. Socdaalka ayaa indhaheeda u furay dunida Muslimka, dhaqan-wanaagooda iyo hab-nololeedkooda.
Waa markii koobaad ee muwaadinadda Ruushiyadda ah ay sahan-diimeed tagto. Tani ayaana carbis shaqsiyadeed u noqotay nolosheeda iyo iimaankeeda. Sanad kadib, waxay soo af-jartay Islaam-noqoshadeeda.
Hadda, iyada oo xiran Xijaabka, waxay dib u tirineysaa sdii ay ula barbaartay oggolaanshaha aqbalista ileyskan cusub ee nolosheeda ifiyey. Balse hooyadeed oo dhinac sirgaxan ka aragtay go’aanka gabadhadeeda ayaa jecleysan inay dib u aragto.
Waad ku fool xun tahay Xijaabkan. Waxaad u egtahay islaan waayeel ah!”
Ereyadan tumaatida ah waxaa dib ugu soo diraya kuwii kula soo koray caqiidadii ay kusoo hana-qaaday ee Orthodox Christian – oo ah diin ay hooyadeed ku hal-adag tahay inay asal u tahay Ruushiyaanka oo dhan.
Zeinab oo dib-u-tirinaysa waxa ay ka dhigan tahay Muslim ku noqoshada Ruushka, waxay tiri: “Dulqaadka dadka Ruushiyaanka ah ee Islaamka ku saabsan waa aragti madow. Uma helaan xaq diin tira-yar ku dhex ah dalkooda.”
Gedigood waxaa hareeyey ciirada culus ee la dul-dhigay Muslimiinta iyo Muslimka cusub sida ay sheegayso.
Sidoo kale, Ruslan Vasiljev, oo ah garyaqaan iyo Muslim-cusub, wuxuu la kulmay isla-aragti la siman midda Zeinab ay reerkeeda uga tagtay.
rusiya rusi1
Wuxuu yiri; “U sahan-tagista shaqsiyadeed ee iimaankayga wuxuu bilow u noqday kala irdhowga aniga iyo reerkayga. Wuxuu kale oo waddo kaaga furayaa inaad aragto Islaam-naceyb kugu soo foorarsada.”
Si mid ah, Zeinab iyo Ruslan, waxay u go’aansadaan abuurista nolol cusub oo ka baxsan reerahooda. Inay u noolaadaan sida Muslimka—iyaga oo huwanaya sunnada Islaamka; raadsanayana cunto xalaal ah. Waxay ka dhega-barjoobaan hadallada naca ku yimaada. Hayeeshe, waa wax adag sida haweeney Muslimad ah ay maalin ugu dhex noolaan karto mujtamac aan la dhacsaneyn doorashadeeda qofnimo.
Badi Muslimiinta qaar ayaa isku daya inay ka andacoodaan falka lagu hayo. Hayeeshe, sheekadu waxay la gashaa god ka guur oo qanjo u guur!
Dad badan oo Ruushiyan ah waxay qabaan in faham-yarida Islaamka ee ka dhex-jirta waddooyinka Ruushka ay sabab u tahay naceybka ku socda Muslimka iyo kan Muslimaya.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!