crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sahan: Haweenka jirkooda iibsada oo ku badan Kenya | HimiloNetwork

Sahan: Haweenka jirkooda iibsada oo ku badan Kenya

Muqdisho (Himilonews) – Jiilka soo hana-qaadaya ee Kenya ayaa ku dhex-haftoonaya dhaqan-guur hareeray anshaxa nololeed ee Insaaniyadda. Dhillaysigu wuxuu ka joogaa heerka ugu sarreeya.
Meelo kamid ah tusaalaha gudbiya baaxadda ay la egtahay heerka uu dhillaysigu taagan yahay, waa Embakasi oo noqotay degmo ay ku yaalliin qolal lagu fiirsado filimada Jinsiga. Waxaa lagu galaa lacag dhan 150/Ksh kaliya daawashada. Halka inaad hesho inan aad u galmootana ay kugu qaadaneyso lacag dhan 200/Ksh ilaa 500/Ksh.
Haweenka jirkooda ka ganacsada waxay awal taagnaan jireen jidadka iyo ardaayada hoteellada. Balse sida uu sheegayo goob jooge halkan yimid, waxaa jira gabdho yaryar oo hooyo-nimo taagan–hadana, wali door bidaya inay lacag ka sameeyaan jirkooda.
“Gabdhahani ma doonayaan inay jidadka istaagan. Waxay kaliya howshaada kugu dhameynayaan aqalladooda. Waliba waa hooyooyin caruur nuujiya,” ayuu kusii daray goob-jooguhu.
Marka loo eego warbixin ay soo saartay QM qeybta u qaabilsan Qoondada Dadweynaha, 117-kii dhedig mid kamid ah waa shaqaale-jinsiyadeed.
Warbixintan ayaa sii sheegtay in lacag dhan 1500/Ksh ay helaan maalin kasta. Nairobi ayaa leh goobaha ugu badan ee lagu dhillaysto–halkaas oo wax ku dhow 29,494 oo haween ah ay ku sugan yihiin. Halka Kenya oo dhan shaqaalaha jinsiga ay gaarayaan 107,181 oo haween ah.
Warbixin uu 2013-kii soo saaray duqa magaalada Nairobi ayuu ku sheegay inay jiraan ku dhawaad 7000 oo haween jirkooda iibsada ah kuwaas oo heegan ku jira habeen kasta. Mid kasta oo kamid ah tira haweenkan, waxay leedahay macaamiil gaaraya saddex ilaa afar nin. Tani ayaa celcelis ahaan ka dhigan in habeen qura 21,000 iyo 28,000 oo falal isku-galmood ah ay ka dhacaan Nairobi.
QM qeybta u qaabilsan Qoondada Dadweynaha waxay farta ku fiiqday in–saddex kamid ah tobankii haween ee jirkooda iibsada–ay qabaan cudurka AIDS-ka. Warbxintu waxay sii sheegtay in–sahan laga dhex sameeyey Kenyanka–ay muujisay in 76.6% ay doorbidayaan in la sharciyeeyo dhillaysiga.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!