Muqdisho – Gobollada waaweyn ee Somaliland, oo ah Jamhuuriyad is-magacawday taas oo ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1992-kii balse aan wali helin aqoonsi rasmi ah, waxaa ka jira abaaro kuwii ugu xumaa ee soo mara 20-kii sano ee ugu danbeeyey.
Tiiyoo gabaabsi dhanka roobabka ah ay sanadihii danbe wajahayeen, kumaankun oo dadka xeebaha Awdal iyo Galbeed daga oo xoolo-dhaqato ah waxaa la dagay abaaro.
Bulshadan ayaa isha kaliya ee ay dakhli ka helaan ay tahay xoolaha, hayeeshe, kol haddii aanay jirin nabaad iyo naq muuqda oo ay duunyadooda ku doojiyaan; waxay indhahooda ku arkayaan mar-wada-dhimashada xoolahooda sababo abaareed.
Si kastaba, Somaliland waa meelaha sida ba’an deegaanka loo dabar-jaray halkaas oo gubista dhamacda iyo dhuxusha ay kaalin muuqata ka qaadatay nabaad-guurka waloow ol’olaha ballaaran ee dhir beerista ah iyo wacyi-gelinta deegaaneed ee ka jirta Somaliland ay dib u qalqaalisay nolosha deegaanka.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
You must log in to post a comment.