Muslimiinta Poland oo ka ban-baxay Islaam-naceybka lagu hayo
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
December 2, 2015
321 Views
Warsaw, Poland (Himilonews) – Boqolaal dibad-baxyaal ah ayaa isugu soo baxay magaalada Pozman ee dalka Poland kaas oo looga soo horjeedo argagaxiseynta iyo Islaam-naceybnimada ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey tira yarta Muslimiinta ah ee ku nool dalka Kirishtaanka u badan.
Ku dhawaad 300 oo Muslimiin dibad-baxyaal ah ayaa isugu yimid banka magaalada ku taalla galbeedka dalkaas iyaga oo sita sawirro ay ku qornaayeen “Jooji cunsuriyadda” iyo “Muslimku wuu kasoo hor-jeedaa argagaxisanimada.”
Poland, 00 38-da malyuun ee ku nool 90% ay Kiristaan yihiin, waxaa lagu qiyaasaa inay sidoo kale ku nool yihiin Muslimiin tira-yar oo u dhaxeysa 15,000 ilaa 25,000.
“Waynu dhaleeceyneynaa wixii ka dhacay Paris. Diinteennu waa nabad,” ayuu yiri Youssef Chadid oo ah imaamka Pozman kaas oo soo agaasimay dibad-baxa.
Wuxuu sheegay in dadka reer Poland ay cunsuriyeeyaan Muslimiinta iyaga oo maleynaya inay yihiin gebigood argagixiso.
“Marka maanta waxaynu ka banaan baxaynaa argagixisanimada iyo cunsuriyadda,” ayuu sii raaciyay.
Dowladda cusub ee Is-baddal doonka ah ayaa kol hore iska diiday inay qaadato qoondada kaga soo aaday tirada qaxootiga ee kusoo qulqulaya Yurub kuwaas oo badigood Muslimiin ah.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-02
You must log in to post a comment.