crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhaqaalaha Japan oo u baahan dhalista caruur badan | HimiloNetwork

Dhaqaalaha Japan oo u baahan dhalista caruur badan

Muqdisho (Himilonews) – Jabaan ayaa qorsheyneysa tallaabo ay kor ugu qaadeyso tirada heerka dhalasho–iyada taas ku xoojinaysa inay bilowdo daryeel bilaash ah oo ilmo-dhalista ah iyo canshuur dhimis–si ay uga hor-tagto inaanay tira-yaridu carqladeyn kobaca dhaqaale ee dalka dhaca bariga fog ee Aasiya.
Dadyowga Japan ayaa hoos isu-dhimayey 4-tii sano ee ugu danbeysay kadib sanado badan oo digniino ah oo ku aadan hoos-u-dhaca ku socda heerka dhalasho ee dadka Japan oo aad u hooseysa. Tani ayaa soo dadejisay in dhaqaal-yahannada dalkaas ay ku cadaadiyaan Ra’isul wasaare Shinzo Abe inuu qaato go’aan uu golaha barlamaanka ku horgeynayo xul-murtiyeed ku aadan kordhinta tirada heerka dhalasho ee caruurta Japan.
“Waxaan doonaya inaan idin muujiyo inuu liic ku socdo tirada dadyowga Japan oo loo baahan yahay in la kordhiyo tirada heerka dhalashada ee caruurteenna,” ayuu Shinzo Abe kahor sheegay golihiisa waziirada.
Si kastaba, kuwo badan ayaa qaba inay dowladdu lasoo raagtay go’aankan maadaama ay adag tahay in sare loo qaado kobaca dhaqaalaha iyada oo aan la fasixin tira badan oo qaxooti ah oo kusoo shubma Japan kuwaas oo kaalin ka qaadan kara sii beekhaaminta ganacsiga Japan.
Dalal badan ayaa qaxooti qaatay sida kuwo Yurub, hayeeshe tani waxaa kahor yimid siyaasiyiinta iyo dadweynaha Japan kuwaas oo qiimeeya kali ahaanshaha jinsiyadeed ee Japaaniisnimada.
“Waxaan jirin qoondo loo sameeyey caruurta dhalaneysa; in sare loo qaadana waa muhiim,” ayuu yiri Hiroshi Shiraishi oo dhaqaal-yahan sare ka ah BNP Paribas Securities.
“Si walbaba, tani koru-kac dhalin meydo shanta sano ee soo socota. Wadada ugu toosan xalkani waa in la helo qaxooti badan.”
Abe wuxuu rabaa in sare-loo qaado tirada ilma-dhalista oo hadda ah 1.42 iyada oo laga dhigayo 1.8 haweeneydiiba–halka la dhimayo hanaankii hore ee daryeelka loona fududeynayo dumarka inay durba shaqadooda kusoo laabtaan kadib umul-baxa.
Fikradda ayaa looga gol leeyahay in looga hortago in–tirada dadka Japan oo hadda ah 127-malyuun–aanay ka hoos marin 100-malyuun. Balse ganacsi dhaqaaleed isku duba-dhaca wuxuu caadiyan u baahan yahay inuu helo heer dhalasho oo celcelis ahaan ah 2.1 caruur inay haweeneydiiba dhasho – taas oo sidoo kale tirada dadweynaha si fudud u xasilin karta.
Tirada dadka Japan ayaa la filayaa inay ku dheellido 87-malyuun marka lagaaro 2060-ka sida uu sheegayo Machadka Cilmi-baarista Nabad-galyada Bulshada Tirakoobka Qaranka.
Tirada dadka shaqeeya ee reer Japan ayaa hoos u sii dhaceysay sanad kasta taniyo 1990 sida laga soo xigtay Wazaaradda Arrimaha Gudaha ee Japan. Xogtan ayaa sidoo kale muujisay in tirada dadka sahqeyn doona 2060-ka ay noqon doonaan wax ka yar 44-malyuun.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!